Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddo ka dib ku laabtay Magaalada Baydhabo

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo, safarkan oo noqonaya kiisii ugu horreyay ee saddex sano ka dib uu ku tago magaaladaasi.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud, ka dib markii diyaaraddii uu la socday oo ka timid dhinaca Muqdisho ay ka degatay garoonkaasi.

"Waxaan uga mahadcelinayaa masuuliyiinta iyo shacabka sida diiran ee ay ii soo dhaweeyeen. Sidoo kale, waxaan si gaar ah idiinkaga mahadcelinayaa dulqaadka aad muujiseen, idinkoo qoraxda kulul u taagnaa sidii aad iigu muujin lahaydeen taageeradiinna iyo kalgacalkiinna." Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Shariif Xasan oo sidoo kale horey u soo noqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa bogaadiyay is bedelka ka dhacay Baydhabo ee meesha looga saaray Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Shariif Xasan ayaa sheegay in is bedelkan iyo go'aanka Dowladda Federaalka uu horseedayo in si xor iyo xalaal ah loogu tartamo Hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

"Waxaan bogaadinayaa is bedelka iyo go’aanka adag ee ay qaadatay Dowladda Federaalka Somaliya, kaas oo horseedaya in si xor iyo xalaal ah loogu tartamo Hoggaanka Madaxtinimada Koonfur Galbeed Somaliya. Waa tallaabo muhiim u ah horumarka, midnimada iyo mustaqbalka wanaagsan ee dalkeenna." Ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa xubin ka ahaa Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed ee ay sida adag isku hayeen Madaxweyne Laftagareen, isagoona ka mid ahaa siyaasiyiintii uu Maamulkii Madaxweyne Laftagareen ka hortagnaa inay yimaadaan magaalada.

Shariif Xasan ayaa waxaa Baydhabo ugu dambeysay bishii February ee sanadkii 2023, ka dib markii uu kaga qaybgalay shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ee xalka loogu raadinayay khilaafkii xilligaasi ka taagnaa Doorashada Koonfur Galbeed.

Shirkan oo Baydhabo ka furmay 17-kii bishii January, lana soo geba-gabeeyay 4-tii bishii xigtay ee February ayaa laga soo saaray in Odayaasha Dhaqanka ay soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka 3aad ee Koonfur Galbeed billaha November iyo December ee 2023 iyo in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha la qabto bisha January ee 2024.

Sida lagu heshiiyay doorashadan oo ahayd mid dadban oo Xildhibaanada Baarlamaanka ay dooranayaan Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa Kuxigeen ayaa waxaa carqaladeeyay siyaasadda Dowladda Federaalka ay dalka ku gaarsiineyso doorashada qof iyo cod, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isagu furay shirkan, soona xiray.

Baydhabo ayaa waxaa haatan ka socdo diyaargarow ku aaddan, sidii dadka reer Koonfur Galbeed ay codkooda ugu soo dooran lahaayeen Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Koonfur Galbeed, Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha-ahaatee Shariif Xasan ayaa la filayaa in uu Baydhabo sii joogi doono, illaa iyo inta ay doorashadu ka dhaceyso.