Shil tareen oo dad ku dhinteen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Shilkan ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Shiniile ee Gobolka Siti, ka dib markii uu tareenku ka dhacay gaari nooca xamuulka ah oo ka gudbayay meel isgoys ah oo gaadiidku ay ka tallaabaan.

Tareenka oo ka yimid dalka Jabuuti, kuna sii jeeday dhinaca Caasimadda Addis Ababa ayaa shilka ku galay aagga Qabalaha Ceel-baxay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta deegaanka.

Kuxigeenka Duqa Magaalada Shiniile, Sakariye Maxamed Cabdi ayaa shilkan ku tilmaamay mid aad u xun, oo dad badani ay ku waxyeeloobeen, isagoona tirada dadka ku dhintay shilkaasi ku sheegay afar qof, halka shan iyo labaatan kalena ay ku dhaawacmeen.

"Isgoyska tareenka ee gawaaridu ka tallaabaan buu ka dhacay shilku." Ayuu yiri Kuxigeenka Duqa Magaalada Shiniile.

Waxa uu sheegay in dadka dhaawacmay ay u badan yihiin kuwo qaba dhaawacyo fudud, marka laga soo taggo afar qof oo saddex ka mida ay haween yihiin oo iyagu qaba dhaawacyo culus.

"Dadkan waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka sare ee Shiniile, waa Isbitaalka Weyn ee Shiniile, laba qof oo xaaladoodu ay xun tahay ayaa loo gudbiyay Diridhaba." Ayuu yiri Sakariye Maxamed Cabdi.

"Shilkii shalay dhacay illaa hadda waa taagan yahay, weli lagu ma kala bixin baaritaanka heer gobol iyo heer degmo oo weli waa lagu jiraa, tareenkiina halkii buu taagan yahay, gaarigiina halkiisii buu yaallaa." Ayuu yiri Sakariye Maxamed.

Sakariye Maxamed ayaa intaasi ku daray "Waa shilkii ugu horreyay ee tareen ee ka dhaca Magaalada Shiniile."

Muddooyinkii ugu dambeysay shilalka ayaa ku soo badanayay waddada khadka tareenka ee isku xira Magaalooyinka Djibouti iyo Addis Ababa.