Shir lagu dardargelinayo hawlgalada oo ka furmay Magaalada Muqdisho
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu dardargelinayo hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Shirkan ayaa ah mid Somaliya iyo dowladaha deriska ay iskaga kaashanayaan wejiga labaad ee gulufka la doonayo in lagaga takhaluso Shabaabka hubeysan.
Shirka oo ka furmay Teendhada Afisyooni ayaa saddex maalmood ka socon doona magaalada, iyadoona ay ka qaybgaleen dhammaanba dhinacyada ay khuseyso, sida Wasaaradaha Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed iyo Saraakiisha Ciidamada.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa'id ku qabtay Caasimadda Muqdisho ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saari doono hawlgalka lagu ciribtirayo sida uu yiri Khawaariijta, isla-markaana uu dhawaan ka bilaaban doono dhammaan gobolada dalka.
"Shirka waxaa lagu fallanqeynayaa, laguna jaan-goynayaa hawlgalka lagu la dagaalamayo argagixisada Khawaarijta, oo wejigiisii labaad uu dhawaan bilaaban doono, ayna iska kaashanayaan Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamo ka socdo dowladaha deriska ah, hawlgalkaas oo ka bilaabanaya dhammaan gobolada dalka. Ciidamada ayaa kaashanaya shacabka Soomaaliyeed amaba xoogaga difaaca shacabka Soomaaliyeed." Ayuu yiri General Caanood.
General Caanood ayaa yiri "Hadba wixii talooyin iyo go'aamo ah oo shirkaasi ka soo baxa, waan idin la soo socodsiin doonnaa. Hawlgalka marka uu bilowdana si toos ah ayaan shacabka Soomaaliyeed ugu soo gudbin doonnaa, maalin walba dhacdadaasi wixii faa'iido iyo natiijo ah ee laga gaaray."
Wejiga labaad ee gulufka lagu wiiqayo Shabaabka ayaa la filayaa in ciidamadu ay ka bilaabaan deegaanada Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.













