Shir looga hadlayay horumarinta biyaha dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay shirkan, oo looga hadlayo horumarinta khayraadka biyaha ee Somaliya.

Shirka oo ay ka qaybgaleen madax ka socota Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta khayraadka biyaha, si looga hortaggo biyo yaraanta iyo in laga faa'iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno kayd u noqda.

Raysal Wasaare Kuxigeenka oo shirka hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in biyuhu ay yihiin laf dhabarta nolosha, bulshadeenuna baahi weyn u qabto, xukuumadduna ay xoogga saareyso sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta iyo gaajada ku soo laalaabatay dalka.

Raysal Wasaare Kuxigeenka wuxuu sheegay in dowladdu wax ka qabaneyso xaaladda biyo la’aanta ka jirta goobaha dhawaan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab, oo burburiyay ilo biyoodyadii ku yaalay deegaanadaasi.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Biyaha & Tamarta ayaa waxaa ka qaybgalay Wasaaradda Beeraha Dhirta & Waraabka, Wasaaradaha Heer Dowlad Gobaleed, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobey.