Shirka ay martida gelineyso Jubbaland oo 17-ka bishan ka furmaya Kismaayo

Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo dhinacyada ka qaybgelaya shirka Kismaayo ayaa isku raacay in shirkaasi uu qabsoomo 17-ka illaa 20-ka bishan.

Shirkan oo Dowlad Goboleedka Jubbaland ay martida gelineyso ayaa waxaa ka qaybgelaya Madaxda Jubbaland, Puntland, Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Ururada Bulshada Rayidka iyo Odayaasha Dhaqanka qaarkood.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan diiradda lagu saari doono, sidii dalka looga badbaadin lahaa dib u dhac ku yimaada, isla-markaana uu u hiigsan lahaa mustaqbal wanaagsan oo leh xasillooni siyaasadeed, amni waara iyo horumar dhaqaale.

Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saari doono go'aamo la xiriira xaaladda kala guurka siyaasadda dalka, ka dib markii Madaxweyneyaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ay ka horyimaadeen, waxa lagu sheegay doorasho hal dhinac ka raran oo Villa Somalia ay waddo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay ogolaadeen in shirka la qabto, ka dib markii ay guuldareysteen dadaaladii caalamiga ahaa ee la isugu soo dhaweynayay Dowladda Federaalka iyo isbahaysiga diidan qaabka ay u maamuleyso doorashooyinka dalka.

Diblomaasiyiinta shisheeye ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho oo kaashanaya Dowladda Kenya ayaa toddobaadkii hore codsaday in la baajiyo shirka Kismaayo oo lagu waday in 10-kii bishan uu ka furmo magaaladaasi, si fursad loo siiyo wada hadalo loo arkayay in lagu dhamayn karo khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Dowladda Kenya ayaa Siyaasiyiinta Mucaaradka ugu yeertay inay ka soo qaybgalaan shir la doonayay in 13-kii bishan lagu qabto Magaalada Nairobi, iyadoo ay goobjoog ka yihiin diblomaasiyiinta gobolka iyo kuwa kale ee caalamka, balse uu u baaqday, ka dib markii isbahaysiga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay ka caroodeen Villa Somalia oo ka hortimid in dib loo dhigo Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Inkasta oo la aaminsan yahay in Dowladda Federaalka ay iyadu dabada ka riixeysay in la qabto shirka Nairobi, haddana qayb kama aysan ahayn oo laguma soo martiqaadin shirkaasi. Qorshaha ayaana u muuqday in wixii ka soo baxo shirkaasi loola tagi doono Madaxda Dowladda Federaalka, si dhabo cusub oo heshiis lagu yahay loogu jiheeyo doorashooyinka dalka.

Isbahaysiga siyaasadeed ay is hayaan Dowladda Federaalka ayaa doonayay in la baajiyo Doorashada Golaha Deegaanka ee 25-ka bishan ka dhaceysa Magaalada Muqdisho, waana sababta ay haatan ugu adkeysteen inay tagayaan shirka Kismaayo.

Dhinacyada ku kulmaya Kismaayo ayaa lagu cadaadinaya in ay shirka ka soo saaraan qodobo maangal ah, isla-markaana aan uga sii darayn is mari-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira.

Shirkan ayaa noqonaya kiisii ugu heerka sarreyay ee looga hadlayo masiirka dalka ee lagu qabto dalka gudihiisa, iyadoo ay dibad joog ka tahay Dowladda Federaalka.