Shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo ka furmaya Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta Magaalada Muqdisho ka furo Shirka Wadatashiga Qaran ee dowladdiisa iyo mucaaradka ay uga arrinsanayaan, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka hareeyay doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sheegaya in shirka uu ka dhici doono Xarunta Madaxtooyada Qaranka, isla-markaana ay halkaasi tagi doonaan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Golahan ayaa ah isbahaysi siyaasadeed oo bishii December ay sameysteen Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland.

Madaxweyneyaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayay wararku sheegayaan in ay ka qaybgeli doonaan shirka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Guddiyada Farsamo ee labada dhinac, isla-markaana ay kala hoggaamiyaan Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka, Xasan Macalin Maxamuud Sheekh Cali iyo Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) ay is faham ka gaareen halka lagu qabanayo shirka, oo ku dhawaad muddo laba toddobaad ah ay isku diidanaayeen.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo iyagu degan hotel ku yaala Garoonka Aadan Cadde ayaa u ololeynayay in shirka lagu qabto meel ka baxsan Aqalka Villa Somalia, kuwaas oo hadda aad mooddo in ay aqbaleen in ay kaga qaybgalaan Madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Talaadadii kulan qado ahaa u sameeyay Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayay dhinacyadu isku raaceen in Guddiyada Farsamada ay kulmaan, ka dibna ay go'aamiyaan goobta lagu kulmi doono.

Shirkan ayay tahay in labada dhinac ay xal ugu helaan is mari-waaga muddooyinkanba ka taagnaa nooca doorasho ee la doonayo inay dalka ka qabsoomto sanadkan.

Qodobka labaad ee ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ayaa la qiyaasaya in uu noqon doono habraaca loo marayo dhameystirka Dastuurka KMG.

Beesha Caalamka ayaa 21-kii bishii January taageertay gogoshan oo 19-kii bishaasi ay fidisay Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Illaa iyo hadda waxay dhinacyadu u muuqdaan kuwo Khamiistan uu shirka uga furmi doono Villa Somalia, haddii aysan dib wax iska bedelin.