Shirka Dowladda Federaalka iyo madaxdii hore ee dalka oo ka furmaya Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta uu Caasimadda Muqdisho ka furo shir uu la leeyahay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.

Xafiiiska Madaxweynaha ayaa shirkan ku sheegay mid ku saleysan wadatashi iyo is qancin ay tahay in looga gudbo xaaaladda dalka ka taagan, sida lagu sheegay qoraal xalay ka soo baxay Villa Somalia.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahadcelinaya madaxdii hore sida ay u soo ajiibtay ka qaybgalka kulankan ayaa madasha kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dowladda intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay "Madaxweynaha ayaa dhageysan doona aragtidooda ku aaddan xaaladda dalka, amniga, ciribtirka Khawaarijta, dib-u-eegista dastuurka, dimoqraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka."

Shirka oo laba maalmood ka socon doono Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in si dhow looga hadli doono heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka loogu jiheynayay doorasho qof iyo cod ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sidoo kale siyaasiyiinta ka codsan doono in Dowladda Federaalka kala shaqeeyaan, sidii dalka looga sifeyn lahaa maleeshiyada Al Shabaab.

Shirka ayaa lagu soo martiqaaday Madaxweyneyaashii hore ee dalka, sida Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo shan Raysal Wasaareyaal hore, oo ay ka mid yihiin Xasan Cali Khayre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Sidoo kale waxaa la filayaa in shirka ay ka soo qaybgalaan Gudoomiyeyaal Baarlamaan hore iyo siyaasiyiin kale oo Villa Somalia ay ku soo martiqaaday.

Ex Madaxweyne Farmaajo ayaa la fahamsan yahay in uu ka cudurdaartay ka qaybgalka shirka, balse uu bogaadinayo qabsoomidda shirkaasi.