Shirka Golaha Wadatashiga oo warbixin looga dhageystay Wasiir Jaamac iyo Taliyaha CXD

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo maalintii labaad ka socdo Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Shirka oo si dhow looga arrinsanay wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Taliyaha ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Shabaabka, caqabadaha jira iyo qorshaha la xiriira ka miro-dhelinta wejiga 2aad ee hawlgalka ka bilaabanaya deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay inuu hoggaamin doono hawlgalka isku dhafka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka deriska ah oo qaadaya hawlgal mideysan oo dalka lagaga sifeynayo kooxaha argagixisada.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamadu ka gaareen wejigii hore ee hawlgalka, oo ay ku xoreeyeen dhul ballaaran oo dhaca deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalku uu maanta marayo marxalad taariikhiya, loogana baahan yahay shacabka iyo Hoggaanka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan, si loo xaqiijiyo in dhallaanka Soomaaliyeed ay helaan amni, nolol wanaagsan iyo horumar, taasina ay ku imaan karto kooxaha argagixisada oo dalka laga suuliyo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ay leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa maanta ku biiray Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.