Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Talaadada la filayo in uu ka furmo Muqdisho

Shirka oo maanta lagu waday in uu ka furmo Magaalada Muqdisho ayaa mar kale baaqday, ka dib markii aanay magaalada iman inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Qorshaha ayaa ahaa in shirka uu Khamiistii ka furmo Magaalada Muqdisho, balse dib loo dhigay illaa Isniintan, sida ay madaxdu go'aamiyeen.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana saacadaha soo socda la filayaa in uu soo gaaro Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa isna berrito ku soo wajahan magaalada, si uu shirka uga qaybgalo.
Madaxweyneyaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaan jirin cid xaqiijin karta in shirka ay ka soo qaybgeli doonaan.
Shirkan ayaa waxaa markii ugu horreysay si toos ah uga qaybgelaya Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ka dib martiqaad uu ka helay Dowladda Federaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 11-kii bishii hore ee April shir wadatashi isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Ajandaha shirkan ayaa ku saabsan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo sidii midnimo qaran loogu wajihi lahaa.