Shirka Kismaayo oo galay maalintii saddexaad

Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka uga socdo Magaalada Kismaayo ayaa maanta galay maalintiisii saddexaad.

Wariyeyaasha ka hawlgala Kismaayo ayaa soo sheegaya in shirka la soo geba-gabeen doono caawa, dibna uu ugu dhici karo illaa Axadda.

Shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo taabanaya masiirka dalka, oo ay ugu horreyso is mari-waaga ka taagan nooca doorasho ee laga qabanayo dalka.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka ku cadaadinaya in ay joojiso habka ay u maamuleyso doorashooyinka dalka, oo ay ku doodayaan inaanan heshiis lagu ahayn.

Isbahaysigan siyaasadeed ee saamaynta leh ayaa ka soo horjeedo in dalka laga qabto doorasho aan loo dhameen, taasoo keeni karta in iyana ay qabtaan doorasho middaasi liddi ku ah.

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Dowlad Goboleedyada la safan ayaan ogolaan doonin dib-u-dhac ku yimaada waqtiga Doorashada Baarlamaanka & midda Madaxtooyada iyo in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay muddo kororsi sameyso.

Dhanka kale dhinacyadan ayaa ku howlan inay dhameystiraan qaab dhismeedka Hoggaanka Golaha Mustaqbalka Somaliya, ka dib markii Jimcihii ay u codeeyeen in Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) uu noqdo Xoghayaha Golaha Mustaqbalka Somaliya. Magacaabidda Enjineer Carab ayaa laga noqon karaa, haddii lagama maarmaan loo arko.

Dhinacyadan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dooran doonaan Gudoomiyaha Golaha Mustaqbalka Somaliya iyo Gudoomiye Kuxigeenka golahaasi, waana suurtagal in doorashadaasi dib loo dhigo.

Golahan ayaa waxaa ku mideysan Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka.

2-dii bishii October ayay ahayd, markii ay isku raaceen in la sameeyo gole ay isbahaysi ku yihiin, kaas oo ah Golaha Mustaqbalka Somaliya. Golahan ayaa loo dhisaya, si loolan loogu la galo Dowladda Federaalka, loogana joojiyo waxa ay u arkaan doorashada halka dhinac ah ee ay ka shaqeynayso.

Shirka Kismaayo ayaa laga cabsi qabaa in uu dalka ka abuuro firaaq dastuuri ah, waxayna cid walba isha ku haysaa waxa gunaanadka shirkaasi laga soo saari doono.

Dowladda Federaalka iyo danleyda siyaaadda dalka ayaa u baahan in si wadajir ah loo xaliyo is faham la'aanta ka taagan doorashada lagu kala aragtida duwan yahay, si dalka looga badbaadiyo firaaq dastuuri ah, isla-markaana loo dhameystiro geeddi-socodka dimoqraadiyeynta dalka.