Shirka Siyaasiyiinta Mucaaradka, Puntland iyo Jubbaland oo maanta ka furmaya Kismaayo

Shirka Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, Madaxweyneyaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Khamiistan ka furmaya Magaalada Kismaayo.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya wufuud isaga kala timid Magaalooyinka Garoowe, Muqdisho iyo Nairobi, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Ibraahim Oogle.

Inta badan ka qaybgelayaasha ayaa Arbacadii gaaray Kismaayo, waxaana la sugayaa Shariif Sheekh Axmed oo saaka la filayo in isna uu gaaro magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in shirka uu ka furmi doono Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo, halkaas oo haatanba ay ku sugan yihiin martida, oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Senatoro ka tirsan Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirka ay isla shir guddoomin doonaan Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ka mid ah martida lagu soo casuumay shirka, balse ka cudurdaartay, walow Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) uu Arbacadii sheegay in Farmaajo uu iman doono shirka Kismaayo.

Shirka ayaa looga hadlaya xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo khilaafka ka taagan nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto.

Dhinacyada uu shirka uga furmayo Kismaayo ayaa gebi ahaanba mucaaradsan doorasho hal dhinac ah, oo sida ay sheegeen inay Dowladda Federaalka ka shaqeynayso.

Isbahaysiga siyaasadeed ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ayaa Villa Somalia ku cadaadinaya in ay ogolaato hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay.

Isbahaysigan oo ah mid saamayn leh ayaa diidan inay ka qaybgalaan doorasho hal dhinac ah, taasoo hadhow natiijadeeda aan la wada aqbali doonin.

Shirka Kismaayo ayaa socon doono dhowr cisho, waxaana geba-gabadiisa laga soo saari doonnaa qodobo taabanaya masiirka dalka.