Shirweynaha Xiriirka Ganacsiga ee Somaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Xiriirka Ganacsiga ee Somaliya iyo Shiinaha ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho, iyadoona qabsoomiddiisa ay iska kaashadeen Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Somaliya iyo Rugta Ganacsiga Shiinaha.

Raysal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa furay shirweynaha, waxaana ka qaybgalay xubno ka socda shirkadaha waaweyn ee ganacsiga ee dalkaasi Shiinaha.

"Madasha ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Somaliya, Safiirka Somaliya ee Shiinaha  iyo kan Shiinaha ee Somaliya, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga Afrika iyo Shiinaha iyo ganacsato iyo maalgashadeyaal ka kala socda Somaliya iyo Shiinaha." Ayaa lagu yiri war ay soo saartay Xukuumadda Federaalka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay "Raysal Wasaare Kuxigeenka ayaa ku dhiirigeliyay shirkadaha iyo maalgashadeyaasha Shiinaha in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee Somaliya, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha, wax soosaarka, kalluumeysiga, beeraha, tamarta, gaadiidka iyo saadka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga ganacsi uu horseedo shaqo abuur iyo kor u qaadista wax soosaarka gudaha."

Soddon xubnood oo metelaya dhowr iyo labaatan shirkadood oo laga leeyahay Shiinaha ayaa ka soo qaybgalay shirweynaha, iyagoo qiimeynaya fursadaha maalgashi ee ka bannaan gudaha Somaliya.

Dowladda Somaliya ayaa shirweynahan ka leh qorshe lagu ballaarinayo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Somaliya iyo dalalka shisheeye, iyadoo la kordhinayo badeecadaha ama wax soosaarka dalka ee loo iibgeeyo suuqyada caalamka.

Shiinaha waa dalka ugu weyn ee maalgashiga ku sameeya dalalka Afrika, wuxuuna dhisaa kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyin, dekedo, garoomada diyaaradaha iyo tareeno.