Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Madaxda Jubbaland & Puntland oo isugu tagaya Kismaayo

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ku midoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Madaxweyneyaasha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa lagu wadaa in bisha December ay shir aan caadi ahayn ku yeeshaan Magaalada Kismaayo, iyagoo kaga arrinsanaya xaaladda dalka, gaar ahaan amniga iyo arrimaha siyaasadda, waana xilli uu is mari-waa ka taagan tahay nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto sanadka soo socda.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyada Jubbaland ay martiqaad u fidisay Xubnaha Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta iyo Madaxweynaha Puntland, si inta ka horreyso 10-ka December ay u soo gaaraan goobta shirka.
Saddex ka mid ah Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, Deni iyo Axmed Madoobe ayaa 2-dii bishii hore ee October ku heshiiyay in ay sameystaan gole cusub oo ay ku mideysan yihiin, kaas oo magaciisa uu noqonayo Golaha Mustaqbalka Somaliya, ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Nairobi.
Dhinacyada ayaa la fahamsan in shirkan ay diiradda ku saari doonaan, sidii dalka looga badbaadin lahaa dib u dhac ku yimaada, isla-markaana uu u hiigsan lahaa mustaqbal wanaagsan oo leh xasillooni siyaasadeed, amni waara iyo horumar dhaqaale.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in shirka lagu soo casuumay Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ururada Bulshada Rayidka iyo Odayaasha Dhaqanka qaar ka mid ah, si go'aan looga gaaro xaaladda kala guurka siyaasadda dalka iyo in Dowladda Federaalka lagu cadaadiyo in ay ogolaato in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay.
Ma cadda in Ex Madaxweyne Farmaajo uu ka qaybgelayo shirka Kismaayo iyo in kale, waxaase uu daneynaya in doorashada dalka lagu qabto waqtigeeda sanadka 2026 iyo inay noqoto mid loo dhan yahay.
Dhinacyadan ku kulmaya Kismaayo ayaa leh saamayn siyaasadeed, waana kuwa dheelitiraya awoodda siyaasadeed ee dalka, waana kuwa haddii ay doorashada ka maqan yihiin keeneysa in Beesha Caalamka aysan wax dhaqaale ah ku bixin doorashada soo socota, illaa saamileyda siyaasadda ay isla ogolaadaan qaabka ay Villa Somalia u maamuleyso Doorashada Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada.
Maqnaanshaha Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Puntland iyo Jubbaland ay kaabayaan ayaa doorashada ka dhigeysa mid hal dhinac ka raran, taasoo uu caalamkana u tixgelin doono mid aan loo dhameen oo aan la taageeri karin, sababtoo ah garabka kale ee awoodda leh ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka oo qaban kara doorashadaasi mid cagsi ku ah.
Dowladda Federaalka ayaa si uun uga walaacsan dhinacyada shirka aan caadiga ahayn ku yeelanaya Kismaayo, halkaasi oo laga yaabo inay ka soo saaraan go'aamo adag.


