Siyaasiyiinta Mucaaradka oo dhaqdhaqaaq ka wada Magaalada Muqdisho

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ayaa dhaqdhaqaaq xoog leh ka wada Magaalada Muqdisho, si ay ugu riixaan mudaaharaadka lagu diidan yahay muddo kororsiga Madaxda Dowladda Federaalka ee ay iclaamiyeen inay 4-ta bishan ka dhigi doonaan caasimadda.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ee qaybta ka ah Golaha Mustaqbalka Somaliya ay Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood ka wadaan kulamo ay la leeyihiin dadka deegaanka iyo weliba abaabul ay ku ciidamo badsanayaan.
Hoggaamiyaha Mucaaradka, Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan sheegay in bannaanbaxoodu uu yahay mid nabadeed, isagoona ka digay in la carqaladeeyo.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Madaxtooyada Qaranka aysan ku faraxsaneyn, waxa mucaaradku ka wadaan magaalada, iyadoo u aragto mid lagu wiiqayo amniga Muqdisho.
Mareykanka oo xubin ka ah Beesha Caalamka ayaa Isniintii Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Somaliya ugu baaqay inay is xakameeyaan, isla-markaana ay ka fogaadaan falalka hurinaya rabshadaha.
Mareykanka ayaa dhinacyada ku booriyay inay ballanqaadaan wada hadal iyo iskaashi lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Xiisadda siyaasadeed ee Somaliya ayaa meel adag gaartay, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu 15-kii bishii May iclaamiyay hal sano oo dheeraad ah, oo ay sii shaqayn doonaan Hay'adaha Dowladda Federaalka, taasoo ay si weyn uga horyimaadeen Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Beesha Caalamka ee taageerta Somaliya ayaa Isniintii saamileyda siyaasadda ugu baaqday inay xaliyaan khilaafkooda, si dalka looga qabto doorasho heshiis lagu yahay, laguna wada qanacsan yahay.
Arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay ayaa laga cabsi qabaa in ay dib-u-dhac u horseedaan dalka.
Dawada Somaliya iyo amniga jilicsan ee dalka ayaa ah in la helo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, si ay dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda isu la qaataan nidaam horseedaya doorasho xor iyo xalaal ah, laguna wada kalsoon yahay.


