Siyaasiyiinta Mucaaradka oo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee la magac-baxay (Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka.

Kulankan ayaa muhiim u ahaa dadaalada ay labada dhinac xalka ugu raadinayaan arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay, oo ay ugu horreyso doorashada sanadka soo socda lagu wado inay dalka ka qabsoomto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 25-kii bishii June qaabilay Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, oo ay qayb ka ahaayeen Raysal Wasaareyaal hore, Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ahna Gudoomiyaha Madasha Samatabixinta iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilligaasi isku afgartay afar ajande oo sal u noqon doona wada hadaladooda, oo kala ah adkeynta midnimaa dalka, hannaanka dib-u-eegista dastuurka, amniga & ciribtirka argagixisada iyo hannaanka doorashooyin toos ah oo heshiis lagu yahay, ugu dambayna in la baadi-goobo masuuliyiinta ka maqan gogosha, sida Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in Siyaasiyiinta Mucaaradka ay Madaxweynaha la wadaageen in ay wax wanaagsan kala kulmeen Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo weliba walaac gaar ah oo Axmed Madoobe uu ka qabo ka qaybgalka shir ka dhaca Muqdisho, oo ay ku jiraan xayiraadaha dhanka safarka ee ay Villa Somalia saartay iyo dhaqaalihii laga xayiray, laakiin aanu Madaxweynaha Dowladda Federaalka wax ahmiyad ahi siinin arrintaasi, taasoo keentay in loo gudbo ajandayaashii kale ee kulanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in aan wax is afgarad ah weli laga gaarin qodobadii kale ee miiska u saarnaa, waxayna Madaxtooyada sheegtay in la isku waafaqay in kulan kale la isugu yimaado 20-ka bishan.

"Shirka oo ku qabsoomay jewi aad u wanaagsan ayaa fallanqeyn dheer ka dib, waxaa la isku waafaqay in la isku soo laabto 20-ka Luulyo 2025, si loo sii ambaqaado arrimihii laga wada hadlay." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed lagu daabacay bogga wararka ee Madaxtooyada.

Mucaaradka ayaa la filayaa in goor dhow ay dhankooda ka hadli doonaan sababaha keenay natiijo la'aanta kulanka.

Kulankan ayaa ahaa mid si dhow isha loogu hayay.