Somaliland oo ka hadashay dagaal maanta ka dhacay Laascaanood

Xukuumadda Somaliland ayaa war ka soo saartay dagaal maanta ka dhacay bannaanada hore ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Somaliland ayaa warka ku sheegtay in saakay la soo weeraray fariisimaha ciidamadeeda ku leeyihiin nawaaxiga magaaladaasi.
Somaliland ayaa sheegtay in weerarkaasi ay soo qaadeen kooxaha ku sugan Magaalada Laascaanood, oo ay ku sheegtay kuwo isugu jira argagixiso, nabadiid iyo weliba Puntland.
"Kooxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, nabadiid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaas oo ahaa mid fuleynimo ah, mana jirto wax dhibaato ah oo soo gaadhay Ciidamada Qaranka." Ayaa lagu sheegay warka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhinacyadu ay dagaalka isku adeegsadeen madaafiic iyo qoryaha waaweyn ee ku xiran gaadiidka dagaalka.
Dagaalkan ayaa imaanaya, xilli dhowrkii cisho ee ugu dambeysay aanay wax dagaalo ahi ka dhicin magaaladaasi.
Dagaalka Laascaanood ayaa galay bishiisii koowaad, iyadoo tan iyo markii uu dagaalku magaalada ka qarxay 6-dii bishii February uu galaaftay nolosha 210 qof, halka 680 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Duqa Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil.


