Somaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay in la furo xuduudda labada dal
Dowladaha Somaliya iyo Kenya ayaa maanta ku heshiiyay in dib loo furio xuduudda labada dal, si loo fududeeyo isu socodka labada dhinac.
Wasiirka Amniga Somaliya, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodisho) oo booqasho ku jooga Magaalada Nairobi ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Kithure Kindiki.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha socdaalka, furista xadka labada dal, dardargelinta ganacsiga iyo guud ahaan amniga & xasilloonida ee deegaanada dhaca xuduudda.
Wasiirka Amniga Somaliya oo ka hadlayay waxyaabaha lagu heshiiyay ayaa yiri "Waxaan ku heshiinay in muddo 90 cisho gudahood ah lagu furo barraha xuduudaha Beled Xaawo iyo Mandhera, Dhoobley iyo Liboi, Raas Kaambooni iyo Kiunga.
Waxaa kale oo aan ku heshiinay in culeyska ka jira helitaanka dal-ku-galka (Visa) in lagu fududeeyo muddo 30 maalmood gudahood."




