Somaliya iyo Mareykanka oo ka falceliyay askar la arkay iyagoo ku taagan Calanka Mareykanka

Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka ayaa si adag uga falceliyay muuqaal toddobaadkan barraha bulshada qabsaday oo muujnaya rag xiran dareyska Ciidamada Dowladda Somaliya oo ku dul taagan Calanka Mareykanka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa maanta sheegtay in gacanta lagu soo dhigay dhammaan shakhsiyaadkii ku xadgudbay dareyska Ciidanka Qaranka iyo Calanka Mareykanka

Wasaaradda ayaa waxay ka digtay inaanan la aqbali doonin fal kasta oo lagu dhaawacayo sharafka iyo sumcadda Ciidanka Qaranka.

"Dhammaan shakhsiyaadkii ku lugta lahaa falkii lagu xadgudbay dareyska Ciidanka Qaranka iyo Calanka Mareykanka ayaa gacanta lagu soo dhigay. Wasaaradda Gaashaandhiga waxay ka digaysaa in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lagu dhaawacayo sharafta iyo sumcadda Ciidanka Qaranka." Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda oo lagu lifaaqay sawirrada afar nin oo dhallinyaro ah.

Dusha sare ee sawirrada raggan ayaa lagu qoray "Waxaa lagu guuleystay in dhammaan la soo wada qabtay shakhsiyaadkii dharka ciidamada ku labisnaa ee ku jiray muuqaalka barraha bulshada lagu faafiyay, ayagoo Calanka Mareykanka si anshax darro ah ugu istaagaya, isla-markaana ku xadgudbaya magaca, qiyamka iyo anshaxa Ciidamada Qaranka, waxaana si toos ah u bilowday baaritaanka eedeysaneyaasha kiiskaas loo soo qabtay."

Dhanka kale Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa Axaddan sheegtay in falalka ka dhanka ah Mareykanka ay wax u dhimayaan xiriirka labada dal.

"Dowladda Mareykanka ayaa ballaayiin dollar oo canshuur bixiyeyaasha ah ugu deeqday Somaliya." Ayaa lagu yiri war ay safaaradda soo saartay oo lagu xusay "Waxa ugu muhiimsan, niyad wanaagga dadka Mareykanka ayaa muddo dheer taageerayay tallaabo militari oo ka dhan ah ururada argagixisada, kuwaas oo halis gelinaya Mareykanka, si toos ahna u bartilmaameedsada dadka Soomaaliyeed."

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa Dowladda Federaalka uga mahadcelisay tallaabada degdegga ah ee lagu soo xiray shakhsiyaadkii ka soo muuqday muuqaalka sida weyn ugu baahay internet-ka ee muujinayay, iyagoo xadgudub ku gaysanaya dareyska askarta.

Safaaradda ayaa sheegtay in dadka ku kaca falalka noocani oo kale ah ay dhaawacayaan xiriirka Somaliya iyo Mareykanka, ayna tahay in lala xisaabtamo.

Nuxurka hadalka Safaaradda Mareykanka ayaa ah in shakhsiyaadka sida ula kaca ah u waxyeeleeya xiriirka labada dal ay wiiqayaan taageerada muhiimka ah ee ka dhanka ah argagixisada, bani'aadantinimada iyo dhaqaalaha uu Mareykanku ku bixiyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Mareykanka ayaa Somaliya siiya gargaar bani'aadantinimo iyo kaalmo militari, isagoona Dowladda Federaalka u tababara mid ka mid ah Ciidamada Gaarka ee Somaliya, waana Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka.