Somaliya oo bilowday inay muwaadiniinteeda ka soo daadgureyso dalka Suudaan

Dowladda Somaliya ayaa bilowday dadaalo ay muwaadiiinteeda kaga soo samata-bixineyso dalka ay dagaaladu ka socdaan ee Suudaan.

Soomaalida ayaa qayb ka ah muwaadiniinta shisheeye ee ku go'doonsan dagaalka muddada toddobada maalmood ka soconaya Magaalada Khartoum, ee u dhaxeeya ciidamada kala taageeraya labada janaraal ee ugu awoodda badan Militariga Suudaan.

Kusimaha Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay waddo dadaalo ay dalkaasi kaga soo daadgureynayso muwaadiniinteeda.

Diinaari oo sidoo kale ah Isku-xiraha Guddiga Dowladda Somaliya u xilsaartay soo daadgureynta muwaadiniintaasi ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay dalkaasi kaga soo daadgureynayaan dhanka xuduudaha uu la wadaago dalalka Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan, maadaama ay xiran yihiin garoomada diyaaradaha ee dalkaasi.

Waxa uu sheegay illaa iyo hadda in dhowr boqol oo arday u badan ay gaareen xuduudda Itoobiya, saacadaha soo socdana ay gaari doonaan tiro kaloo badan, sida uu yiri.

"Waxaa sidoo kale loo xilsaaray Safaaradda aan ku leenahay Addis Ababa in dadka dokumentiyadooda kaga soo cararay colaadda iyo dagaalka ka holcaya Suudaan ay u sameyso dal ku gal ama waxa la yiraahdo (Go home), loona fududeeyo." Ayuu yiri Diinaari.

Soomaalida Suudaan ayaa waxaa tiradooda lagu sheegaa in ka badan saddex kun, kuwaa oo arday u badan, sida uu sheegay Safiirka Somaliya ee dalkaasi, Danjire Maxamed Sheekh Isaaq.

Illaa iyo hadda inta la ogyahay waxaa dagaalka, tan iyo Sabtidii ka soconaya dalkaasi ku dhintay in ka badan 300 oo qof, halka tiro 3,000 ku dhowna ay ku dhaawacantay.