Somaliya oo bishan hoggaamineysa shirarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey

Somaliya ayaa bishan January hoggaamin doonta kulamada ay yeelanayaan Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, ka dib markii hoggaanka uu waqtigeeda ku yimid.

Xilka madaxtinimada ee Golaha Ammaanka ayaa ah wareegto, iyadoo bil walbana uu dal hoggaamiyo.

Xeer Hoosaadka Golaha Ammaanka ayaa dhigaya in Guddoonka Golaha Ammaanka uu bishiiba mar qabto dalalka Xubnaha Golaha Ammaanka, iyadoo la raacayo sida ay xarfaha Ingiriiska ay magacyada dalalka u kala horreyaan.

Slovenia ayaa ahayd dalkii bishii December ee sanadkii 2025 shir guddoominayay fadhiyada Golaha Ammaanka. Somaliya oo hadda u shaqeynaysa xubin aan joogta ahayn ayaa qaban doonta shirarka golaha, bishan oo dhan.

Safiirka Somaliya ee Qaramada Midoobey, Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) iyo diblomaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed ayaa 31-ka maalmood ee bishan guddoomin doona kulamada Golaha Ammaanka, iyadoona Safiirku uu qaabayn doono ajandayaasha fadhiyada uu goluhu ku yeelanayo Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York.

Shir Guddoonka ayaa u adeega isku dubaridka howlaha golaha iyo go'aaminta khilaafaadka siyaasadda, mararka qaarkoodna wuxuu u shaqeeyaa, sdiii diblomaasi dhexdhexaadiye u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda. Madaxa Shir Guddoonka ayaana loogu yeeraa Madaxweyne.

Madaxweynaha ayaa waxaa doorkiisa ka mid ah in uu shir degdeg ah isugu yeero Xubnaha Golaha Ammaanka, iyadoo laga jawaabayo codsiyada dalalka, si looga hadlo xaalad markaasi taagan.

Golaha Ammaanka ayaa ah hay'adda ugu sarreysa ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dhanka fulinta. Hay'addan ayaa loo arkaa tiirka ugu weyn ee Qaramada Midoobey ee dadaalada lagu ilaalinayo, isla-markaana lagu xoojinayo nabadda iyo amniga caalamka.

Somaliya ayaa waxay ka mid tahay tobanka dal ee aan joogtada ahayn ee labadii sannaba mar la soo doorto.

Golalaha Ammaanka ayaa ka kooban shan iyo toban dal, oo isugu jira shan dal oo joogto ah iyo toban dal oo doorasho ku yimaada.

Shanta dal ee joogtada ah ayaa kala ah Faransiiska, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Mareykanka, waana dalalka leh awoodda diidmada qaxayan ee Veto.