Somaliya oo digniin u dirtay maraakiibta sida sharci darrada uga kalluumeysta xeebaha dalka

Dowladda Somaliya ayaa digniin u dirtay maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah kaga kalluumeysta xeebaha dalka.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga & Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay uruurisay caddeymo muujinaya in maraakiib laga leeyahay dalal kala duwan ay si sharci darro ah uga kalluumeystaan biyaha Somaliya.
Warka ayaa lagu sheegay in caddeymuhu ay muujinayaan in maraakiibtaasi ay ka hawlgelayeen aagga dhaqaalaha gaarka ah ee EEZ, tan iyo bishii January ee sanadkan 2023.
“Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Dowladda Federaalka Somaliya waxay caddeynaysaa in dhammaan maraakiibtaasi ay sharci darro ku soo galeen biyaha Somaliya, kana kalluumeysanayeen, isla-markaana aysan jirin wax ruqsad kalluumeysi ah oo ay ka haystaan Dowladda Federaalka Somaliya." Ayaa lagu sheegay warka.
Warka ayaa lagu yiri “Sid ku cad qodobada 11-aad, 12-aad iyo 13-aad ee Sharciga Kalluumeysiga Somaliya, bixinta ruqsadaha kalluumeysiga maraakiiibta qalaad waa awood dastuuri ah oo heer federaal ah, waxaana bixin kara oo keliya Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Federaalka.”
Wasaaradda ayaa dalalka laga leeyahay maraakiibtaasi ugu baaqday in ay si degdeg ahi maraakiibtooda uga la baxaan biyaha Somaliya, dibna ay u soo celiyaan hantida ay sida sharci darrada ah uga qaateen, haddii kalena lala tiirsan doono sharciga.
Tan iyo markii ay hoos u dhaceen weerarada kooxaha burcad badeeda ayaa waxaa soo badanayay maraakiibta, sida sharci darrada ah uga kalluumeysanaya xeebaha dalka.


