Somaliya oo gashay xaalad hubinti la'aan siyaasadeed ah

Ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wax horumar ahna aan laga samayn wada hadaladii Xerada Xalane ee Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa waxay taasi noqotay mid aan siyaasad ahaan u wanaagsaneyn masiirka dalka.

Wada hadalada Xerada Xalane oo garwadeen ay ka ahaayeen Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Jimcihii bilaa natiijo ku soo dhamaaday, ka dib saddex maalmood oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac ay Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ka wada hadlayeen nooca doorasho ee dalka laga qaban karo.

Dadaalada Beesha Caalamka ayaa waxaa curyaamiyay Villa Somalia oo gebi ahaanba ka hortimid in ay ka tanaasusho doorashada qofka iyo codka ay ka shaqeynayso, taas oo Siyaasiyiinta Mucaaradka ay u arkaan mid hal dhinac ah iyo inaanan xitaa dalka oo dhan looga qaban karin, haddii ay dhacdo in lix bilood oo xil gaarsiin ah loogu kordhiyo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in Xubnaha Golaha Mustaqbalka ay soo jeediyeen in lagu laabto doorashadii dadbaneyd ee muddada dheer lagu soo caana maalayay, kana hormarsan middii 2022, laakiin uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka biyo diiday.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay ka hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay hadal guux weyn ka dhaliyay gudaha dalka, ka dib markii uu sheegay in muddo xileedka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka uu ku egyahay 15-ka bisha May ee sanadka soo socda ee 2027, isagoo arrintaasi kaga shidaal qaadanaya Dastuurka cusub ee lagu muransan yahay ee ay Xildhibaanada Labada Aqal ansixiyeen 4-tii bishii March, isaguna uu saxiixay 8-dii bishaasi. Muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee xilka loo doortay ayaa ahaa afar sano, balse Dastuurka Qabya-tirka lagu sameeyay ayaa muddo xileedka Hay'adaha Dowladda Federaalka ka dhigaya shan sano, inkastoo uu dhaqangelkiisu ka bilaabanayay dowladda dambe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xusuustaa in marar badan oo hore uu sheegay in dhameysirka Dastuurka Qaranka aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin afartii sano ee isaga xilka loo doortay, ha yeeshee habeenkii xalay ayuu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in muddo xileedkiisu uu yahay shan sano, taasoo baalmarsan wixii horey afkiisa looga maqlay.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya, Shariif Sheekh Axmed oo u jawaabayay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri "Waxaa nasiib darro ah in ruux PHD wata oo laba jeer Madaxweyne noqday in laga kari la'yahay war waqtigaada waa dhamaadayee doorashada dadka kala heshii, wixii kale yeelkeedee maalintoodaa laga hadlayaaye, waqtiga waa kaa dhamaaday afar sanaa lagu doortay iyo maya waqtiga igama dhamaan."

Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa tilmaamay in afarta sano aanu nin qura iska bedeli karin, bacdamaa sida uu muujiyay muddo xileedka Madaxweynaha uu qayb ka yahay heshiiskii dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee dib loogu yegleelay dowladnimada dalka.

"Horta afarta sano nin-na ma bedeli karo ogaada. Gogol nabadeed oo Soomaali colaad uga heshiisay oo dowladnimo ku heshiisay oo qodobo waaweyn looga heshiiyay nidaamka dowladnimada waa 4.5 la yiri, waxaana la yiri waa afar sano, intuu nin iska istaago oo iska bedesho, suurtagal ma ahan." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka.

Shariifka oo sii hadlayay ayaa yiri "Wixii ummadda ku heshiisay haddaad rabto inaad wax ku bedesho, ku soo noqdo, asbaab sheeg, waa la bedeli karaa, laakiin Baarlamaanka aan wada ognahay oo qof qof uu Madaxweynuhu u wacaayay oo xoolihii dalka lagu bixiyay ayaa aniga ii bedelay, sax ma aha taas, mana la aqbali karo."

Dhanka kale Golaha Mustaqbalka Somaliya oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay ka fekerayaan, sidii ay dhinacooda u qaban lahaayeen doorasho ay u arkaan mid ay dalka kaga badbaadinayaan firaaq dastuuri ah.

Waxay u badan tahay in dalalka deeqbixiyeyaasha aanay wax dhaqaale ah ku bixin doonin doorasho lagu kala qaybsan yahay, xitaa midda ay Villa Somalia riixeyso.

Beesha Caalamka oo ay qayb ka yihiin Qaramada Midoobey, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa aalaaba taageeradooda ku bixiya doorasho loo dhan yahay.