Somaliya oo hadda guda galeysa wejigii ugu dambeeyay ee barnaamijka dayn-cafinta

Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in Somaliya ay ka gudubtay qiimeynta heerka 5aad ee barnaamijka dayn-cafinta dalka.

Hay'adda ayaa qoraal ku sheegtay in Dowladda Somaliya ay horumar wanaagsan ka sameysay shuruudihii lagu xiray dayn-cafinteeda.

Somaliya ayaa waxay hadda guda galeysaa wejigii ugu dambeeyay ee dayn-cafinta, kaas oo qorshuhu yahay in la soo geba-gabeeyo daba-yaaqada sanadkan.

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay tani uga dhigan tahay, iyadoo ku taagan jaantii ay ku gaari laheyd jidka dayn-cafinta.

"Waxay uga dhigan tahay Somaliya qiimeyntii lagu sameeyay inay sheegayso jidkii dayn-cafiska inay ku socoto, sidaa darteedna innagoo bishii 3aad joogno inay Somaliya markaasi muuqato inay dayn-cafiska ka baxeyso sanadkan gudihiisa, iyadoo ay ku xiran tahay hadba go'aamada ay gaarayaan IMF-ta, guddiyada sare ee Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka." Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray "Haddana qiimeynta lagu sameeyay ay jeexeyso dariiqii kaa lagu gaari lahaa inay ku joogto."

Wasiirka oo ka hadlayay waxa uga qorsheysan dhameystirka dayn-cafintaasi ayaa yiri "Waxaa nooga qorsheysan in sidii ku talagalka ahaa aanu ku socono. Dayn-cafisku marba marka ka sii dambeeyo waxaa weeye shuruudaha laga rabaa waa shuruudo waaweyn."

Wasiirka ayaa xusay in hannaanka dayn-cafinta uu sahlayo in 5-tii bilyan ee dollar ee dalka lagu lahaa in ugu yaraan, boqolkiiba sideetan (80%) laga cafiyo.