Somaliya oo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Suudaan

Dowladda Somaliya ayaa Ciidanka Militariga Suudaan iyo xoogaga la magac baxay Ciidamada Gurmadka Degdegga ee Suudaan ugu baaqday in ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka Sabtidii ka qarxay Magaalada Khartoum.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa lagu muujiyay, sida Dowladda Federaalka uga walaacsan tahay isku dhacyada hubeysan ee u dhaxeeya labada dhinac.
Warsaxaafadeedka ayaa dhinacyada loogu baaqay in ay is xakameeyaan, isla-markaana ay ka wada hadlaan waxa ay isku hayaan, si looga gudbo khilaafaadka, loona ilaaliyo amniga iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalkaasi.
"Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si degdeg ah u joojiyaan dhaqdhaqaaqyada colaadeed, ayna muujiyaan is xakamaynta ugu badan, isla-markaana ay galaan wada hadal, si looga gudbo khilaafaadka, loona ilaaliyo amniga iyo xasilloonida siyaasadeed." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.


