Somnet Telecom oo Soo Kordhisay 'Adeegga Mudnaan' oo aad kaga shuban karto Xirmooyin Qiimo Jaban Oo Ku Habboon Baahidaada.

Fursad Cusub: Somnet Telecom oo Soo Kordhisay 'Adeegga Mudnaan' oo aad kaga shuban karto Xirmooyin Qiimo Jaban Oo Ku Habboon Baahidaada 

Shirkada Isgaarsiinta Jiilka Cusub ee Somnet Telecom oo ah shirkadii ugu horeysay ee 

4G Mobile internet dalka keentay haddana bixisa 5G internet ayaa waxa ay macaamiisheeda u soo kordhisay adeegga Mudnaan, kaas oo ah xirmooyin raqiis ah oo ku haboon baahidaada gaarka ah. Adeeggan casriga ah ayaa loogu talagalay in uu isbedel weyn ku sameeyo habka ay bulshadu u wada xiriirto, isaga oo macaamiisha siinaya fursad ay ku doortaan xirmooyin tayo sare leh sidoo kale dhaqaale ahaan uroon. 

Maxay Ka Kooban Yihiin Xirmooyinka Mudnaan? 

Si loo daboolo dhammaan baahiyaha kala duwan ee macaamiisha, Xirmooyinka Mudnaan waxa ay ka kooban yihiin qaybahan: 

  • Internet kaliya: Loogu talagalay dadka u baahan xawaare sare oo ay ugu xirmaan dunida internet-ka. 
  • Kuhadal kaliya: Ku habboon shaqsiyaadka xiiseeya in ay in badan wicitaano u diraan ehelka, asxaabta iyo goobaha ganacsiga. 
  • Internet iyo kuhadal wada socda: Waa xirmo isku dhaf ah oo si buuxda u kulmisay labada adeegba, si aad u hesho isgaarsiin aan go'in. 

Sidee Loo Isticmaalaa Adeegga Mudnaan? Helitaanka adeeggan waa mid aad u sahlan oo aan waqti badan qaadanayn. Hadaba si aad u hesho Mudnaantaada Gaarka ah ee shirkada Isgaarsiinta Somnet ay kugu tala gashay garaac *870# kadib dooro xirmada aad rabto. 

Maanta hel fursad aad ku maamusho kharashka isgaarsiintaada adiga oo dooranaya Xirmooyinka Mudnaan ee kuugu diyaarka ah shirkadda ugu ballaaran dalka. 

Wixii faahfaahin dheeraad ah, wac lambarka 100 / 0680000000 ama kala soco baraha bulshada Somnet Telecom.