Soomaalida oo qayb ka ah muwaadiniinta shisheeye ee codkooda ka dhiibanaya doorashada Turkiga

Waxaa markii ugu horreysay doorashada guud ee dalka Turkiga ka qayb qaadanaya muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaa oo haysta dhalashada dalkaasi.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa dhalashada Turkiga qaatay, ka dib markii ay maalgashi ku sameeyeen dalkaasi, iyadoona ay dowladdu ku abaalmarisay basaboorka dalkaasi.

Turkiga ayaa waxaa ka jira sharci ogolanaya in dhalashada dalka la siiyo dadka shisheeye ee hantida ma guurtada ah ku yeesha dalkaasi amaba cid kasta oo dalkaasi ku maalgalisa lacag dhan laba boqol iyo konton kun oo dollar ($250,000). 

Tirada guud ee dadka madowga ah ee doorashada sanadkan ka qayb qaadaneysa ayaa ah 161 qof, kuwaa oo 150 ka mida ay Soomaali yihiin. 

Codeynta ayaa 8-da subaxnimo ee maanta ka bilaabaneysa goobaha codbixinta, iyadoona ay soo xirmi doonto 5-ta galabnimo, sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka Turkiga.

Guddiga Doorashooyinka ayaa horaan sheegay in doorashada ay ka qayb qaadan doonaan in ka badan 64 milyan oo qof. Tirada dadka codeynaya ayaa waxaa sanadkan ku soo kordhay 5 milyan oo dhallinyaro ah, oo da'da qaangaarka loo diiwaangeliyay.

Codbixiyeyaasha ayaa kol horeba safaf dhaadheer ka galay goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha xigga ee dalka.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo dib jegadaasi isugu taagay ayaa tartan adag kala kulmaya hoggaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka dalkaasi, Kemal Kilicdaroglu.

Saadaasha ayaa muujineysa in doorashada aad la isugu dhow yahay, ayna dhici karto in wareeg labaad loo baahdo.

Doorashadan ayaa noqoneysa middii ugu adkeyd ee dalkaasi laga qabto, labaatankii sano ee uu dalka maamulayay Madaxweyne Erdogan.