Taliska ATMIS oo raashiin u qabiyay qoysaska barakacayaasha ee Xerada Badbaado
Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa Khamiistii deeq raashiin gaarsiiyay qoysaska barakacayaasha ee ku nool Kaamka Badbaado ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabad lagu qabtay Xarunta Jazeera One oo ay degan yihiin Ciidanka ATMIS ayaa deeqdan loogu qaybiyay shan iyo soddon qoys, oo ka mid ah qoysaskaasi halkaasi degan.
Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta ee ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa qoysaskaasi guddoonsiiyay raashiin isugu jira bariis, qamaddi, sonkor, timir iyo saliid.
Wakiilka Midowga Afrika oo hadal ka jeediyay goobtaasi ayaa sheegay in bisha Ramadan ay tahay bil soo dhaweyn iyo naxariis badan, ayna tahay in dadku is gargaaraan.
"Bishan waa bishii soo dhaweynta, taas oo ina fareysa in aynu wadaagno inta yar ee aynu haysano. Tani waxay kaloo ka mid tahay dhaqanka deeqsinimada ee dadka Soomaaliyeed." Ayuu yiri Danjire Souef.
Xasan Cumar Xuseen oo isna ku hadlayay magaca qoysaskaasi ayaa ka mahadceliyay deeqdan raashiin, ee uu soo gaarsiiyay Hawlgalka KMG ee ATMIS.
Tani ayaa imaanaysa, xilli dadka barakacayaasha ee degan Xerada Badbaado ay ka cabteen xaalad nololeed, iyagoona codsaday in gargaar la soo gaarsiiyo.













