Taliska Booliska oo dhallinyaro ku soo bandhigay Magaalada Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska ayaa Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay dhallinyaro ku eedeysan inay barraha bulshada ku faafiyaan dhaqan xumo ka dhan ah Diinta Islaamka iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed.

Dhallinyaradan oo siyaabooyin kala duwan looga soo qabqabtay gudaha magaalada ayaa Warbaahinta loogu soo bandhigay Xarunta Hay'adda Dembi Baarista (CID).

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa dhallinyaradan ku sheegay qaybo ka mid ah dadkii ay bulshada ka cabaneysay, sida uu yiri.

"Waxaan rabnaa inaan bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigno qaybo ka mid ah dadkii ay bulshada ka cabaneysay, oo Qaybta Baarista Dembiyada CID oo kaashaneysa bulshada Soomaaliyeed ay ku guuleysatay inay gacanta ku soo dhigto." Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa sheegay, ka dib markii laamaha amniga ay wax ka qabteen ammaanka magaalada ay dhallinyaradan hungurigooda ka arkeen in dhaqanka buu yiri ay dooriyaan.

"Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Hoggaanka Baarista Qaybtiisa Dembiyada CID waxay gacanta ku soo dhigtay 10 eedeysane oo ka mid ah dadkii barraha bulshada ka faafinaayay dhaqan xumada, oo ay ka mid tahay dhaqanka qowmu Luudka dadka faafiya, sidoo kale dadka anshax xumada faafiya. Waxaas oo dhan waxay sumad u yihiin dhaqan doorinta bulshada Soomaaliyeed." Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa yiri "Kuwaan keliya ma ahan ee hadda goobta waxa fadhiya waa toban, Qaybta Guud-na waxaa ku xiran kuwo kuwaan la mid ah, iyaguna waan soo bandhigi doonnaa."

Afhayeenka oo digniin u jeediyay dhallinyarada adeegsata barraha bulshada ayaa yiri "Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu u digayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee isticmaasha barraha bulshada qaybaheeda kala duwan, hadday ahaan lahayd Facebook, Tiktok iyo Youtube, haddaad ilaalin weysay dhaqanka ummadda Soomaaliyeed, annagana ku ilaalin mayno. Waxaad marti u noqon doontaa qolalka mugdiga ah ee aan ugu talagalnay dadka dembiileyaasha ah ee dhaqanka Soomaaliyeed iyo qaybahooda kala duwan ee ummadda dhagaraheeda. Horey ayaan u tafatirnay kuwii dadka dili jiray, u daahi mayno kuwa dadka dhaqankooda dooriyana inaan soo qabano."

Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xusay in dhallinyarada xiran ay horgayn doonaan maxkamadda awoodda u leh kiiskooda, si dhakhsi ahna uu xukun ugu dhici doono.