Taliska Booliska oo ka hadlay hawlgalka lagu soo xiray General Sheegow iyo ilaaladiisii

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay iska horimaadka hubeysan ee xalay illaa saakay ka socday xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Ciidanka Booliska, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka Xasillinta Caasimadda oo ku guda jira Hawlgalka Ciiltire, oo qayb ka ah xeerka xakameynta hubka magaalada iyo la dagaalanka kooxaha burcadda ay ciidamada weerar kala kulmeen burcad uu ku sheegay in qaab ciidan u abaabulan yihiin.
"Waa burcad maleeshiyaad ciidan u yaal oo isku dayay inay amniga qalqalgeliyaan. Ciidankii oo iska caabiyay ayaa dagaal sidaasi ku bilowday xaafad dhexdeeda ah. Kaas oo 9:00am (subaxnimo) lagu guuleystay in la soo geba-gabeeyo." Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in dhacdadan ay ka horreysay fal dhac ah oo 14-kii bishan ay maleeshiyadaasi magaalada ugu gaysteen 12 qof oo shacab ah, markii gacanta lagu soo dhigayna la ogaaday inay la xiriiraan maleeshiyadii xalay soo weerartay ciidamada.
Waxa uu sheegay in maleeshiyadan ay ka amarqaataan Sarkaal horey Ciidanka Xoogga Dalka uga tirsanaan jiray, oo lagu magacaabo sida uu yiri Ex Dhamme Axmed Cali Sheegow.
Sadiiq Aadan Cali, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Sheegow iyo 24 kale oo maleeshiyadiisii ah, kuwaa oo sida uu sheegay sharciga la horgayn doono. Waxa uu sheegay in xubnaha gacanta lagu soo dhigay ay 7 ka mida dhaawac yihiin, ayna heli doonaan daryeelka caafimaad ay u baahan yihiin.
"Cid walba oo isku daydo inay amniga iyo xasilloonida ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan magaalada caasimadda iyo nawaaxigeeda qalqalgeliso Ciidanka Hawlgalka Ciiltire gacanta ayay ku soo dhigayaan, waxaana la horgayn doonnaa maxkamadda awoodda u leh." Ayuu yiri Doodisho.
Mar uu ka hadlayay khasaaraha dagaalka ka dhashay ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Xasillinta Caasimadda uu kaga geeriyooday hal askari, laba kalena ay kaga dhaawacmeen, dhinaca kale ayuu khasaarahooda ku sheegay laba nin oo dhimasho iyo toddobo dhaawac ah.
Doodisho ayaa xusay inaanay jirin wax rayid ah oo ku waxyeeloobay dagaalka, isagoona yiri "Ma jiraan wax khasaare ah oo dadka shacabka ah soo gaaray oo goobta ka ag-dhawaa.
Marka laga soo taggo hadalka ka soo yeeray Taliska Booliska, Warbaainta ayaa fahamsan in Ciidamada Booliska, kuwa Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare ay weerareen hoyga uu Sheegow ka deganaa xaafaddaasi, balse ay iska horimaad xoogani kala kulmeen ilaaladiisii.
Doodisho ayaa sheegay in hoyga Sheegow uu ahaa goob laga qalqalgeliyo amniga magaalada iyo deegaanada ku xeeran.
Doodisho ayaa intaasi ku daray in hoygaasi ay sidoo kale ka soo qabteen lacagta madow ee la dhaqo, oo iyaduna lid ku ah buu yiri shuruucda dalka u yaala.


