Taliska Booliska oo ka warbixiyay dagaalka ka socdo Muqdisho

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa saaka war ka soo saaray dagaalka Magaalada Muqdisho, iyadoona uu talisku sheegay in uu socdo hawlgal ballaaran oo lagu sifeynayo maleeshiyaad ku hubeysan hub culus, isla-markaana hoobiyeyaal ku garaacay xaafadaha shacabka qaarkood.

Taliska ayaa dadka reer Muqdisho ku wargeliyay in aysan jirin bannaanbaxyo nabadeed, balse ay jirto waxa ay ku sheegeen dhacdo hubeysan oo ciidamada ay la tacaalayaan, sidii lagu soo afjari lahaa.

Warka ayaa u qornaa:-

Wargelin iyo Digniin Amni : Waxaa gebo-gabo ku dhow hawlgal baaxad leh oo ay wadaan Hay’adaha Amniga Caasimadda, kaas oo lagu sifeynayo maleeshiyaad ku hubeysan hub culus, kuwaas oo hoobiyeyaal ku garaacay qaar ka mid ah xaafadaha caasimadda.

Maleeshiyaadkan oo ku sugan goobaha ay degan yihiin xubno qaswadayaal ah oo isku sheegaya siyaasiyiin, kana soo horjeeda amniga iyo xasilloonida, isla-markaana ka dambeeyay abaabulka falalkan ayaa hoobiyeyaal ku weeraray xaafado ay ku nool yihiin dad rayid ah.

Shacabka waxaa lagu wargelinayaa in aysan jirin bannaanbaxyo nabadeed oo, balse ay jirto dhacdo hubeysan oo ay Hay’adaha Amnigu ku howlan yihiin afjariddeeda.

Sidaas awgeed, bulshada waxaa loogu baaqayaa inay ka feejignaadaan falalka abaabulan ee hubeysan ee lidka ku ah amniga iyo xasilloonida, isla-markaana ay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga, si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni buuxda.

Hay’adaha Amniga ayaa sidoo kale wada hawlgalo joogto ah oo lagu soo afjarayo maleeshiyaadkan hubeysan, iyadoo cid kasta oo ku lug leh falalkan si degdeg ah loo horgayn doono sharciga."