Taliska Booliska Puntland oo sheegay in ciidamada mucaaradka laga saaray Garoowe

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, S/guuto Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in lagu kala baxay dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay hadda si buuxdo gacanta ugu hayaan amniga Magaalada Garoowe, ayna dibadda magaalada uga saareen ciidamadii kale.

Taliyaha oo shir jaraa'id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay inay ciidamada mucaaradka kala wareegeen gaadiid dagaal iyo hub, ayna jiraan maxaabiis ay ka qabteen, sida uu yiri.

Waxa uu sheegay in xaaladda magaalada ay iminka degan tahay, isagoona shacabka ugu baaqay inay dib guryahooda ugu soo laabtaan.

"Waxaan ugu baaqaynaa dadweynaha reer Puntland, gaar ahaan kuwa caasimadda degan in dagaalkaasi uu hadda istaagay, xaaladduna ay caadi tahay. Dadka ha is dejiyaan, waan ka xunahay wixii meesha ka dhacay, eedda annagu ma lihin, dowladda waa lagu soo duulay, ciddii ka dambeysay iyo cid kastoo ku lug laheydna kiiskaas waa la daba joogaa, wax baana laga qaban doonnaa." Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri "Waxaan difaacaynaa dowladnimada iyo nidaamka, waxaanu ilaalinaynaa caasimadda, oo ah meesha ugu muhiimsan oo ay leedahay Puntland, ayna ku yaaliin xarumaha dowladda."

Waxaa uu sheegay inay geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleen, sidii dagaalkaasi looga baaqsan lahaa, balse ay ciidamada mucaaradku ka dhega adeygeen dadaaladii socday.

"Runtii wax kasta oo la rabay in wax lagu xaliyo, lagu xalin karay iyo dadaal kastoo nabadeed waanu galnay, waxaanu hor fariisanay isimadii ugu waaweyneyd gobolka, cid kastaana u tagnay, waxba waa laga qaban kari waayay, waxgaradkii oo dhan bay ka diideen xal, maantana iyagaa na soo weeraray." Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Taliyaha ayaa shacabka ugu baaqay "Annagoo og cadowga badan aan leenahay, annagoo og eed inay nagu tahay in maanta uu dagaal halkan ka dhaco, haddana waxaan dadka reer Puntland u sheegaynaa inay u dulqaataan wax kasta oo dhibaato ah oo yimaada, haddaanu annagana nahay ciidamada ammaanka waxaanu u dhaqmaynaa si masuuliyad ku jirto."

S/guuto Muumin Cabdi Shire, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaan ka hadlin khasaaraha labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalkaasi.

Garabka kale ayaan weli ka hadlin dagaalkan iyo eedeymaha loo jeediyay.