Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shaqada ka ruqseeyay laba askari

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaqada ka ruqseeyay laba ka mid ah ciidanka, ka dib markii lagu eedeeyay in ay ku kaceen falal anshax xumo.

Taliska Booliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Cabdirisaaq Aadan Calasow iyo Cabdullaahi Maxamed Axmed ay jebiyeen waajib diini ah, ka dib markii ay maalin soon ah balwad iyo cunto ku dhex cunayn bulshada dhexdeeda, iyadoo aanay jirin sabab caafimaad daro.

Tallaabada shaqada looga eryay ayaa loo cuskaday Xeerka Ciidanka Booliska, waxaana Hay'adaha Dowladda iyo shacabkaba lagu wargeliyay in askartaasi shaqada laga joojiyay.

"Maantay oo taariikhdu tahay 23/05/2023 waxaa lagu wargelinayaa Hay'adaha Dowladda iyo shacabka shacabka Soomaaliyeedba in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed laga ruqseeyay labada askari ee magacooda iyo sawirkooda hoos ku xusan yihiin, ayadoo loo cuskanayo Xeerka Ciidanka Booliska, ka dib markii ay ku kaceen fal akhlaaq daro iyo anshax xumo ah, ayna jebiyeen waajib diini ah, ka dib markii ay maalin soon ah bulshada dhaxdeeda balwad iyo cuno xaaraam ah ku dhex cunayn, ayadoo aysan jirin sabab caafimaad daro." Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Booliska.