Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo beeniyay inay diyaarad ku burburtay Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in diyaarad helicopter ahayd ay maanta ku burburtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wixii ka dambeeyay duhurnimadii maanta ayaa waxaa suuqa soo galay warar sheegaya in helicopter ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka ay ku burburtay Baydhabo ama meel ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed.
Taliska Militariga Somaliya ayaa wararkan ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo lagu faafiyay Warbaahinta gudaha iyo barraha bulshada.
"Taliska Ciidanka Xoogga Dalka wuxuu xaqiijinayaa in warkaasi uusan waxba ka jirin, isla-markaana aysan jirin wax shil ah oo noocaas ah oo ka dhacay Baydhabo ama deegaanada ku xeeran." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
Waxa kaloo warsaxaafadeed lagu yiri "Wararkan been abuurka ah ayaa u muuqda kuwo lagu doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed, laguna wiiqo kalsoonida hay'adaha amniga dalka."
Taliska ayaa ku baaqay "Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa Warbaahinta iyo bulshada inay ka feejignaadaan faafinta wararka aan la hubin, isla-markaana ay xogta saxda ah ka helaan ilaha rasmiga ah ee ciidanka."
Warsaxaafadeedka ayaa lagu soo geba-gabeeyay "Ugu dambayn, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu xaqiijinayaa in xaaladda amni ee Baydhabo ay tahay mid degan, ciidankuna ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda qaran."


