Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ciidamada ku celinaya goobihii la soo banneeyay

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka dib loogu celin lahaa degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Galgaduud, ee ay Isniintii ciidamadu soo banneeyeen.
Ciidamada oo dib uga soo gurtay Degmooyinka Ceeldheer & Galcad iyo deegaanada Wabxo, Budbud iyo Masagawaa ayaa Talaadadii gaaray magaalo xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoona masuuliyiin kala duwan ay halkaasi kula hadleen.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, siyaasiyiin iyo ganacsato deegaanka ah oo shalay ciidamada la kulmay ayaa ku qanciyay in ay gadoodka joojiyaan, isla-markaana ay dib ugu laabtaan aagaggii ay soo banneeyeen.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka gadoodeen khilaaf la sheegayo in uu soo kala dhex galay Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, kaas oo sida la sheegay ka dhashay Wasiirka oo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku faragelinayo istiraatiijiyadda dagaal ee lagu wajahayo hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo inuu leeyahay masuuliyadda waxyeeladii ciidamada ka soo gaartay weerarkii maleeshiyadaasi ay Sabtidii ka gaysteen deegaanka Cowsweyne, ayna keentay in ciidamadu ka soo baxaan dhulkii ay horaan ka saareen Shabaabka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu ka careysan yahay Saraakiil ka amar-qaata Wasiir Jaamac, oo door hoggaamineed ku leh gulufka Gobolada Dhexe, isla-markaana aanan ku shaqeyn awaamiirta Taliska Ciidamada.
Marka aad eegto ciidamada faraha badan ee ka hawlgalaya bartamaha dalka iyo sida ay u soo afjari la'yihiin Shabaabka oo aanay tiradooda sidaas u badnayn ayaa loo aaneynaya inay jirto gacan bidixeen ciidanka dhexdiisa ah, tani oo keentay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoos u fiiriyo arrinta ciidamada.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa la sheegaya in uu dadaal badani ku bixinayo, sidii si dhakhsi ah loogu soo afjari lahaa khilaafka ka dhex taagan Wasiir Jaamac iyo Taliye Caddow, loona dardargelin lahaa hawlgalka militari.
Madaxweynaha oo xalay hadlay ayaa sheegay in la joogo, xilligii lala xisaabtami lahaa kuwa ciidamada u hoosaasinaya kooxaha argagixisada.
"Waxaa la joogaa waqtigii kuwa awoodda ciidanka ee la siiyay ku takri-falay, qiyaanada sameeyay, dadka mar dab-dabeeyay, waagii lala xisaabtami lahaa bilowgeedii waa la joogaa, waana la isla xisaabtamayaa, dowladnimo waa isla xisaabtan." Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo muuqaal uu soo duubay kula hadlayay ciidamada ayaa yiri "Kuwa ka shaqeynaya in ciidanka ay tashwiish geliyaan, ogaada waa Shabaab, noogama sokeeyaan kan Shabaabka ah ee qoriga iyo qaraxa wato, noogama sokeeyaan."
Madaxweynaha ayaa ciidamada kula dardaarmay "Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ceebna ma lihdiin, cannaana ma lihdiin, waad dadaasheen, waadna qabateen doorkii idiinku filnaa. Dad idiinku dhex jiro Sarkaal ha ahaado ama askari ha ahaado ama qof kale ha ahaadee oo khalad sameeyay hadduu jiro, waa lala xisaabtamayaa, laakiin khaladkiisa yaanu qofna ku garab siinin."
Dad badani ayay lama filaan ku noqotay in ciidamadu ay si kedis ah u soo banneeyaan dhul muhiim u ahaa hawlgalka militari ee Shabaabka lagaga saarayo deegaanada Galmudug.


