Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Taliska Ciidanka ATMIS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle iyo Saraakiil kale ayaa maanta Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, General Sam Okiding iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hawlgalka ATMIS.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dardargelinta dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

"S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo General Sam Okiding ayaa ka wada hadlay, sidii loo dardargelin lahaa hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda guud ahaan gobolada dalka." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka laguma faah faahin qaabka ay labada talis isaga kaashanayaan dardargelinta dagaalka la doonayo in dalka lagaga saaro Al Shabaab.

Kulanka ayaa imaanaya, xilli dalalka ay Ciidamada Nabad Ilaalinta ka joogaan Somaliya ay taageereen codsigii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee ahaa in muddo saddex bilood ah dib loo dhigo qorshaha wejiga labaad ee ka bixitaanka Ciidanka ATMIS ee dalka.

Taliska Hawlgalka ATMIS ayaa daba-yaaqadii bishii June dalka ka saaray laba kun oo askari, wareegga xigga oo la samayn lahaa dhammaadka bishan ayuu qorshuhu ahaa in dalka lagaga saaro saddex kun oo askari.

Ciidanka ATMIS ayaa Dowladda Federaalka ka taageera hawlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab, inkastoo muddooyinkii ugu dambeysay aanay wax door muuqdo ah ku lahayn gulufka ka socda qaybo ka mida dalka.