Taliska CXD oo sheegay in muddo yar lagu soo afjari doono Shabaabka Gobolka Mudug
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in muddo kooban ay ciidamadu ku xoreyn doonaan deegaanada ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin koonfurta Gobolka Mudug.
Taliyaha oo kormeer ku maraya jiidda hore ee gobolkaasi ayaa sheegay in maalmaha iyo billaha soo socda uu gobolku noqon doono mid ka caagan Al Shabaab.
Taliyaha oo Sabtidii ciidamada kula hadlayay difaacyada ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Shabellow ayaa kula dardaarmay in ay hawlgalka dardargeliyaan.
"Waajibaadkiinii aad ummadda ugu adaygeyseen baad gudaneysaan, waxaana idiin leeyahay hore u socda, wax yar baa dhiman, waxa yarka ahna xididada u siiba." Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa yiri "Waxaan rajeynaynaa maalmaha iyo billaha soo socda Gobolka Mudug oo ka caagan kooxaha canaasiirta ah ee dadka dhiigooda caba, baan rajeynaynaa inaan iska wareysano, haddii Ilaahay idmo. Jowle ayaan rajeynaynaa kulankan kulankiisa xigga inaan ku kulano."
Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa dadka deegaanka ugu baaqay in ay hubka qaataan, ayna gacan ka gaystaan dagaalka lagu xoreynayo dhulka maqan.
"Qof kastoo gobolkan ku nool oo muwaadin Soomaaliyeed ah waa inuu qaataa qorigiisa, waa inuu ka qayb qaataa nimankan in laga sifeeyo gobolka, si dadka horumarkooda iyo noloshooda ay dib ugu dhistaan, dhulkay burburiyeyna loo dahiro, dibna loogu dhiso." Ayuu yiri Korneyl Cabdulle.
Dhanka kale Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidan hor leh iyo saanad ciidan u daabulay koonfurta gobolkaasi, oo lagu wado in hawlgalada ay dib uga bilowdaan.
Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee la abaabulay ayuu qorshuhu yahay in ay qabtaan deegaano ay ka mid yihiin Caad, Miiroon, Eryaal, Dumaaye, Dabagalo iyo Jowle.
Shabaabka ayaa la sheegaya in haatan ay saldhigooda ugu weyn ku leeyihiin deegaanka Jowle oo hoostagga Degmada Xarardheere.







