Taliska Iran oo sheegay in Marinka Hormuz uu sii xirnaan doono

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa Sabtidan sheegay in Marinka Hormuz uu ku soo laabtay xaaladdii hore ee xirnaanshaha, sababo ku aaddan go'doominta sii socota ee Mareykanka uu ku hayo Dekedaha Iran.

Taliska ayaa sheegay in go'aankan uu jawaab u yahay go'doominta joogtada ah Mareykanka ee ka dhanka ah dekedaha dalkaasi.

Tani ayaa timid wax ka yar 24 saac ka dib, markii Tehran ay sheegtay in ay dib u furtay marin biyoodka Hormuz, isla-markaana ay mari karaan dhammaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, iyadoo lagu taageerayo xabad joojin 10 maalmood ah oo laga sameeyay Lubnaan.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa bayaan ku sheegay in xayiraadda Mareykanka ee Dekedaha Iran ay ka dhigan tahay fal burcad badeednimo ah iyo xatooyo sharci darro oo lagu sameynayo gaadiidka xamuulka badda.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in gacan ku haynta marin biyoodka Hormuz uu ku sii hoos jiri doono maamulka adag iyo xakamaynta Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi.

Al Jazeera ayaa sheegtay in 12 markab oo ganacsi ay ka gudbeen Marinka Hormuz saacadihii uu furnaa, laga soo bilaabo xalay illaa gelinka hore ee maanta.

Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz ayaa ah isha ugu weyn ee gobolka iyo caalamkaba ay adeegsadaan maraakiibta shixnadaha saliidda, kaas oo uu maro boqolkiiba labaatan ee sahayda tamarta adduunka.