Taliska Militariga oo ciidamo xoojin ah u wada Gobolka Hiiraan

Mashquul ayaa laga dareemaya Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Magaalada Muqdisho, iyadoo uu ujeedku yahay in dhiig cusub lagu shubo hawlgalka Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa isku-dubaridaya ciidamo cusub oo lagu wado in loo diro gobolkaasi, si loo loo xoojiyo oo loo dedejiyo dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab ee ka socdo gobolkaasi.

Taliyaha ayaa Talaadadii cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab tababar ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle) ee Gobolka Shabellaha Hoose, tani oo qayb ka ah qorshaha ciidamada xoojinta ah loogu dirayo bariga Gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ee Axaddii laga qabsaday deegaanka Teedaan oo hoostaga Degmada Maxaas ayaa haatan ku sugan deegaanka Bukure, iyagoona sugaya gurmad iyo saad ay ka filayaan xagga Taliska Militariga.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in Taliyaha Militariga uu doonayo in jawaab celin hufan ay ciidamadu ka bixiyaan tallaabada ay Shabaabku kula wareegeen deegaankaasi iyo dhaqdhaqaaqyada kale ay ka wadaan deegaanada hoostaga Degmada Maxaas.

Saraakiisha ayaa ku waramaya in qorshaha la wado uu yahay in weerar ballaaran kooxaha argagixisada looga kiciyo deegaankaasi Teedaan oo ku yaala goob istiraatiiji ah, iskuna xirto Matabaan, Maxaas iyo Beledweyne.

Istiraatiijiyadda dagaalka ayaa u muuqato mid lagaga hortagayo in Shabaabku ay ku xidideystaan Teedaan, iyagoo ka ilaalinaya amniga Degmada Maxaas.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa la sheegay inay dhufeysyo ka sameysteen bannaanada deegaanka Teedaan iyo inay godad ka dhex qoteen gudaha deegaankaasi.

Shabaabka ayaan iska iman Teedaan, balse waxa uu yoolkoodu ahaa in ay dagaalka ka fogeeyaan Maxaas iyo in aan la kala jarin isu socodkooda Maxaas iyo Moqokori.