Taliska Militariga oo dadaal ugu jira inaanan laga soo bixin difaacyada Gobolka Hiiraan

Taliska Militariga Somaliya ayaa dadaal ugu jira, sidii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay u sii joogi lahaayeen difaacyadooda Gobolka Hiiraan, xilli khilaaf adag oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta deegaanka uu ka taagan yahay gobolkaasi.

Taliska ayaa ka cabsi qaba in ciidamadu ay ku milmeen xiisadda siyaasadeed ee ka soo korortay gobolkaasi, isla-markaana ay ku mowqif noqdaan siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka ka biyo diidan dib-u-doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Gobolkan ayaa waxaa ka hawlgala cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka soo jeeda deegaanka iyo xoogag Macawiisley ah oo ka taageera la dagaalanka Al Shabaab.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud uu dadaal weyn ugu jiro, sidii Ciidamada Qalabka Sida iyo Macawiisleyda reer Hiiraan ay baaqi ugu sii ahaan lahaayeen aagagga difaaca, si looga baaqsado in khilaafka siyaasadeed uu abuuro dib-u-dhac weyn oo ku aaddan dagaalkii lagu la jiray Al Shabaab.

Siyaasiyiinta iyo dhaqanka ee beesha aqlabiyadda Gobolka Hiiraan oo maalmihii la soo dhaafay uu shir uga socday Magaalada Beledweyne ayaa ku howlan dhismaha maamul ka madaxbannaan kan Hirshabelle iyo qorista ciidamo dadka deegaanka ah, oo ka hortaga doorashada qof iyo codka ee la rabo in dhawaan laga qabto degmooyin ka tirsan gobolkaasi, si shacabku ay u soo doortaan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle iyo Xubnaha Golaha Deegaanka.

Khilaafka siyaasadeed ee halista gelinaya mustaqbalka Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa sidoo kale loo arkaa in uu khatar dhab ah ku yahay amniga dalka.

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cali Axmed Xaashi (Cagey) oo wajahaya cadaadis uga imanaya Xarunta Taliska Militariga ee Muqdisho ayaa isku dayaya in uu ciidamadu ku sii hayo furimaha hore ee gobolka, iyadoo la muujinayo in ciidamadu ay ka madaxbannaan yihiin khilaafka madaxda sare ee dalka iyo kuwa deegaanka.

Sarkaal ka tirsan Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Magaalada Muqdisho ayaa Universaltv u sheegay in ka bixitaanka ciidamada ee fariisimahooda uu kala dhantaali karo nidaamka amarada.

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa intaasi ku daray in uu jiro welwel ku saabsan dheelitirka awoodeed ee gobolka, dhowr goobood oo la soo faarujiyana ay Al Shabaab siineyso gacanta sare ee goobaha dagaalka.

Shabaabka ayaa ka faa'iideysan kara goobaha laga baxo, si ay dib ugu qabsadaan deegaanadii horey looga saaray.

Khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo hoggaanka siyaasadeed ee Gobolka Hiiraan ayaa gaaray heerkii ugu sarreyay, taasoo saamayn karta awoodda maareynta ee Ciidamada Qalabka Sida.

General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo fahamsan cawaaqibka ay arrintan ku leedahay shaqada hoggaanka taliska ayaa ku foogan, sidii uu uga xeeladeysan lahaa xiisadda siyaasadeed ee gobolkaasi.