Taliska NISA oo sheegay in horjoogeyaal Shabaab ah lagu beegsaday Jilib

Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab lagu beegsaday hawlgal xalay laga fuliyay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Hay'adda NISA ayaa warkan ku sheegtay qoraal lagu daabacay barteeda X, oo horey loo oran jiray Twitter.

"Hawlgal bartilmaameed ahaa oo lagu beegsaday horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, si guul ahna ku soo dhammaaday ayaa ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe." Ayaa lagu yiri warka.

NISA ayaan sheegin magacyada horjoogeyaasha uu hadafku ahaa, balse waxaa la filayaa in faah faahinta ay dib ka soo saari doonto.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caaamiga ah ay duqayn ka gaysteen bartilmaameedyo ku yaala degmadaasi.

Jilib ayaa waxay Shabaabka u tahay xaruntooda ugu weyn ee ay dalka ku leeyihiin, taas oo ku dhawaad muddo 18 sano ahi ay gacanta ku hayeen.

Jilib waa magaalada ugu muhiimsan Al Shabaab ee Gobolka Jubbada Dhexe, oo dhammaantiis ay gacanta ku wada hayso, waana gobolka keliya ee dalka ee ay Shabaabku ka wada arrimiyaan.

Magaaladan ayaa waxaa la tilmaamaa in saraakiisha sarsare ee Shabaabku ay si firfircoon u joogaan, isla-markaana ay nafis badan ku dareemaan, marka aad eegto in aysan weerarada xagga cirka ah ku badneyn.

Bishii March ayay ahayd, markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu amar ku bixiyay in nolosha lagu ciriiriyo horjoogeyaasha Al Shabaab, ka dib markii Shabaabku ay xilligaasi sii kordhiyeen weeraro ay ku qabsanayeen dhulkii xorta ahaa ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, laakiin duqaymaha ayaan noqon, sidii la filaayay in ay uga dhici doonaan Jilib oo kale.

Nabad Sugidda Somaliya ayaa ah hay'adda ugu weyn ee soo uruurisa xogaha inta badan lagu dabaqo weerarada ka dhanka ah maleeshiyada iyo horjoogeyaasha Al Shabaab, iyadoo markaasi laga taxadarayo badqabka dadka rayidka ah.