Taliska Qaybta 60aad oo ciidamo hor leh gaynaya bannaanada Baydhabo

Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo hay'adaha ammaanka kala shaqeynaya dadaalada lagu adkeynayo amniga Magaalada Baydhabo ayaa ciidamo hor leh gaynaya afaafka hore ee magaaladaasi.
Baydhabo ayaa ah Xarunta Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, halkaas oo Taliyaha Qaybta 60aad, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale uu ku abaabulayo ciidamo ay tahay in lagu xoojiyo, kuwii horey ugu sugnaa bannaanada magaalada.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Guutada 8aad ee Qaybta 60aad, Polizia Militare, Kumaandooska Gorgor iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa ku sugan kontoroolada laga soo galo magaalada, iyadoo ciidamada ay sidoo kale fariisimo ku leeyihiin hareeraha magaaladaasi.
Xoogag ka tirsan Kumaandooska Danab oo Axaddii la geeyay Baydhabo ayaa la filayaa in ay ku biiri doonaan ciidamada degan darafyada magaalada.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Baydhabo ayaa Jimcihii kormeer dhiirigelin ah ugu tegay Ciidamada Qalabka Sida ee amniga magaalada ka ilaaliya geesaheeda.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaad mooddaa in ay ka hortaggayaan hadalka Khamiistii ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee ku saabsanaa in Dowladda Federaalka ay xoog kula wareegtay magaaladaasi, tallaabadaasi oo kalena ay uga saarayaan.
Xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa cawaaqibka ugu horreya ku yeelanaya shacabka ku nool Baydhabo, maadaama uu maamulku ku shaqeeyo magaaladaasi.
Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa weli ah mid kacsan oo laga dareemayo cabsi iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan. Tani ayaa ka dambeysay, ka dib dagaalkii khasaaraha badan gaystay ee 17-kii bishan ka dhacay magaaladaasi.
Xiisadda militari iyo loolanka dhanka awoodda maamulka ee u dhexeeya siyaasiyiinta ayaa dadka reer Baydhabo ku riixaya in ay cabsi la noolaadaan iyo gaabis ku yimaada dhaqdhaqaaqa ganacsiga.


