Taliyaha Booliska Galmudug oo xilka la wareegay, iyadoo Qoorqoor uu diidan yahay

Korneyl Maxamed Daahir Cabdulle oo toddobaadkii hore uu Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Booliska Galmudug ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo inta badan Saraakiisha Booliska iyo Nabad Sugidda Galmudug.

Magacaabidda Taliyaha cusub ayaa waxaa Khamiistii ka horyimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo dib u soo magacaabay Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin, kaas oo sanadihii u dambeeyay ku magacawnaa Taliyaha Booliska Galmudug.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoorqoor uu weli ka biyo diidan tahay magacaabidda Taliyaha cusub, iyadoo munaasabadda uu xilka kula wareegay uu ka maqnaa Taliyaha loo wado in uu bedelo.

General Kaniif, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Saraakiisha Booliska Galmudug faray in ay la shaqeeyaan Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Galmudug.

"Wax kasta iyo rabitaankana waxaa ka weyn dadka shacabka ah shaqada loo qabanayo." Ayuu yiri General Kaniif oo ka hadlayay munaasabadda.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku foogan, sidii ay ula wareegi lahayd amniga Magaalada Dhuusamareeb, sababtuna waa inay tahay meesha ay ku shaqayn doonaan Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, si ay u maamulaan doorashada billaha June iyo July laga qabanayo deegaanada Galmudug.

Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka ayuu qorshuhu yahay in la qabto 20-ka bisha June, iyadoo midda Xildhibaanada Baarlamaankana la qaban doono 2-da July, halka Doorashada Hoggaanka Galmudug la muddeeyay in la qabto 9-ka July.

Dowladda Federaalka ayaa waxaa la leeyahay xisaabta uguma jirto in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Madaxda Qaranka iyo Qoorqoor, maadaama Qoorqoor uu doonayo in uu dib ugu soo laabto xafiiska, dowladduna ay booskiisu u waddo shakhsi kale, tiiyoo ay jirto ayaa la sheegaya in dowladdu ay haddana welwel ka muujineyso in Qoorqoor uu carqaladeeyo doorashada soo socota.