Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed oo kormeeray barraha ciidamada ku leeyihiin Afgooye

Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed, G/sare Cabdi Ibraahim Shaamow (Cabdi Dheere) ayaa kormeeray barraha amni ee ciidamada ku leeyihiin Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha oo ay wehlinayeen Saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada ayaa sidoo kale kormeer amni xaqiijin ah ku soo maray waddooyinka howlaha u ah isu socodka degmadaasi iyo dhul beereedyada ku yaala duleedkeeda.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye, Cabdullaahi Maxamed Cismaan (Hiraabe) oo kormeerkaasi ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in amniga magaalada uu yahay mid wanaagsan.

"Degmada waa nabad, waxaana rajeynaynaa nabadda inay noo sii siyaaddo." Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Afgooye.

"Waxaan kaloo rajeynaynaa in barwaaqada aan hadda haysano ay noo sii siyaaddo. Afgooye waa nabad, waxaana rajeynaynaa inaan xoojino wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulka iyo laamaha amniga." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeysay ay hawlgalo ka wadeen Degmada Afgooye iyo deegaanada ku xeeran.

Afgooye ayaa lagu tilmaamaa mid u nugul weerarada maleeshiyada Al Shabaab, waana Afgooye oo 30km u jirta Caasimadda Muqdidsho.