Taliyaha Booliska oo raaligeliyay waalidiintii lagu jirdilay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Sheekh Axmed Siicow Maxamed iyo hooyo Sahra, oo askar ka tirsan kuwa Booliska Gobolka Banaadir ay maanta ku jirdileen Magaalada Muqdisho.

Labaduba waa waalidiin ka mid ah dad dhawaanahaan ka cabanayay in si xoog ah looga saaray guryo ay sheegeen inay si sharci ah u leeyihiin, isla-markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir burburiyay.

Ciidamada ayaa jirdilay Sheekh Axmed oo nin culimo oo da' ah, iyagoona ku xiray Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda. Sidoo kale hooyo Sahra oo dhaawac uu ka soo gaaray gacanta midig ayaa la geeyay isbitaal ku yaala magaalada.

Dhacdadan oo dadku ay aad uga caroodeen ayaa keentay in Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir uu sheego in la soo xiray qaar ka mid ah askarta ku eedeysan xadgudubkan. Korneyl Mahdi Cumar Muumin ayaa Warbaahinta u sheegay in sharciga la horkeeni doono askartaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waalidiintaasi ka raaligeliyay xadgudubka loo gaystay, waxaana war caawa ka soo baxay xafiiskiisa lagu sheegay in falkaasi uu yahay mid ka baxsan anshaxa iyo sharciga ciidanka.

"Taliye Asad waxaa ka go’an Ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo la xisaabtamka cid kasta oo ka tirsan ciidanka ee jebisa sharciga ama ku xadgudubta masuuliyadda loo dhiibay." Ayaa lagu yiri warka.

Dowladda Federaalka iyo laamaha amniga oo ka garaabaya falcelinta weyn ee shacabka ka timid ayaa saacado ka dib bilaabay inay hoos u eegaan cawaaqibka ay leedahay, waxayna falkaasi ku riixeen inay ku keli yihiin askartii gaysatay oo keliya.

Dadka reer Muqdisho iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee la magac-baxay (Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed) ayaa falkan ku tilmaamay mid ka baxsan bani’aadantinimada, isla-markaana aan ku habbooneyn dowladnimada iyo wada shaqaynta ciidamada iyo shacabka.

Hawlgalka uu Maamulka Gobolka Banaadir ku burburinayo guryaha ayaa kiciyay dareenka dadka reer Muqdisho, markii ay soo bateen dadka ka cabanaya in si sharci darro ahi dhulkooda loo boobayo.

Dadkan ayaa carro ka muujiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, oo ay ku eedeeyeen in ay diiday inay ka jawaabto dacwadda ay ka yihiin dowladdii ay ahayd inay sharciga ilaaliso.

Dadkan ayaa waxay dhammaantood ka mideysan hal mid, taasoo ah inaysan jirin meel ay u raadsan karaan xuquuqdooda.

Dhacdadii ugu dambeysay ee maanta ka dhacday Muqdisho ayaa soo dedejisay in uu sii xoogeysto khilaafka masiiriga ah ee Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Siyaasiyiinta Mucaaradka, ka dib markii Ciidanka Booliska iyo Ilaalada Xubnaha Madasha Samatabixinta ay gelinkii dambe ee maanta ay isku rasaaseeyeen Degmada Warta Nabadda.

Khilaafka labada dhinac ayaa ka dhashay wax ka bedelka sanadkii hore ee 2024 lagu sameeyay afar ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG. Qodobka 4aad ee Dastuurka Qabyo Qoraalka ee la bedelay oo kale ayaa taageeraya in sanadka 2026 dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, iyadoona mucaaradku ay dalbanayaan in doorashadu ay noqoto mid heshiis lagu yahay, wax aan heshiis lagu ahayna aan dalka laga qaban karin.