Taliyaha Booliska oo sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono askarta dhibaateenaysa shacabka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa sheegay inay suulin doonaan askarta caadeysatay inay dhibaateyso shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka shaqayn doonaan, sidii caddaaladda loo horgayn lahaa askartaasi, looguna xukumi lahaa waxa ay muteystaan, sida uu yiri.

"Ayadoo loo tebin doono si live (toos) ah oo ummadda Soomaaliyeed wada arki doonto, Insha'Allah." Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa yiri "Waxaan rajeynaynaa ummadda Soomaaliyeed inay ku kalsoonaan doonaan tallaabooyinka aanu qaadnay, oo guud ahaan hay'adaha ammaanka iyo Gobolka Banaadir ayagoo iskaashanaya ay ka qaadaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee maalmihii dhaweyd soo noqnoqonayay, aad iyo aadna waxaana uga xunahay inay dhacdooyinkaasi soo noqnoqdaan."

Waxa uu intaasi ku daray "Waxaana rajeyn doonnaa inaan sida ugu haboon uga hortaggi doono hadda ka dib inay dib u soo laalaabtaan dhacdooyinkaasi."

Dhanka kale Taliyaha ayaa sheegay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay wax ka bedeleen hannaanka shaqada ee ciidamada ka hawlgala barraha amniga lagu sugo ee Magaalada Muqdisho, ka dib dhacdadii habeenkii Isniinta ka dhacday Isgoyska Siinaay, ee lagu dilay dad rayid ah, kuwa kalena lagu dhaawacay.

General Firin ayaa xusay in goobahaasi ay ku kordhiyeen Saraakiil waaya-arag ah, si ay u korjoogteeyaan buu yiri ciidanka jooga goobahaasi ee amniga sugaya.

Jananka ayaa muujiyay in ay tani uga gol leeyihiin in tallaabo degdeg ah laga qaado, cid kasta oo sida uu sheegay ku xadgudubta sharciga.

Taliyaha oo ugu dambayn soo hadalqaaday dillalkii ugu dambeeyay ee ay maleeshiyada Al Shabaab ka gaysatay magaalada ayaa waxa uu dadka reer Muqdisho ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortagga xubnaha Shabaabka ahi ee dilalka gaysanaya.