Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Laanta Dhexe ee Ilaalinta Canshuuraha

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa maanta kormeeray Laanta Dhexe Ilaalinta Canshuuraha & Dhaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa u kuurgelayay habsami u socodka howlaha shaqo ee ka socda laantaasi, oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Laanta Dhexe ee Iaalinta Canshuuraha & Dhaqaalaha ayaa ahmiyad weyn u leh kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

General Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee ka socda xaruntaasi, oo ku taala ka soo horjeedka Dekedda Magaalada Muqdisho.