Taliyaha Ciidanka Booliska oo qaabilay khubaro ka socotay Safaaradda Mareykanka
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay khubaro dhanka la dagaalanka argagixisada oo ka socotay Safaaradda Mareykanka ee dalka.
Taliyaha ayaa khubaradan oo uu horkacayay La taliyaha Safaaradda Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada, Jim Loucks kala hadlay sare u qaadista tayeynta, xirfadeynta, joogteynta caawimaadda tababarada iyo qalabeynta ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Jim Loucks ayaa Taliyaha u sheegay in Washington ay sare u qaadi doonto taageerada ay siiso Ciidanka Booliska, iyada oo markaasi laga caawinayo la dagaalanka kooxaha argagixisada.
Somaliya ayaa dagaal adag kula jirta waxa uu Mareykanku ku tilmaamay argagixsada maanta ugu halista badan Qaaradda Afrika.






