Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday ciidamada weerarka ku haya Degmada Awdheegle
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Xoogga Dalka ee duldegan Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamada ayaa saldhig ka sameystay inta u dhaxeyso Awdheegle iyo Bariire, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay horaantii bishan bilaabeen inay biyaha Webiga Shabelle ku soo fatahiyaan dhulka beeraha ee u dhaxeeya Awdheegle iyo Bariire, taasoo adkeysay in si dhakhsa ah looga saaro.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa sheegay in kormeerkiisan uu la xiriiro dardargelinta gulufka militari ee lagu wiiqayo kooxaha argagixisada.
"Waxaan maanta kormeer shaqo ku tegay Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aagagga Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose, si aan u dardargeliyo wejiga saddexaad ee Hawlgalka Duufaanta Aamusan ee lagu nadiifinayo Khawaarijta." Ayuu yiri Taliyuhu.
Taliyaha ayaa qoraal ku sheegay "Intii aan ku sugnaa jiidda hore, waxaan kulamo muhiim ah la yeeshay saraakiisha iyo ciidanka geesiyaasha ah ee ku sugan halkaas. Waxaan ku bogaadiyay naf hurnimadooda iyo guulaha ay ka soo hoyeen wejiyadii hore ee hawlgalka, waxaana kula dardaarmay inay sii laba laabaan dadaalkooda, si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed."
Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan helaya ciidamo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa si gaabis ah ugu safrayay waddada tagta Awdheegle, tan iyo markii bishii August ay dagaal culus kula wareegeen Bariire oo 12km oo keliya u jirta Awdheegle.
Miinooyinka badan ay Shabaabku ku aaaseen waddada iyo daadadka ka dhashay biyaha webiga ay sida tooska ah ugu furayaan dhulka beeraha ee laga soo galo magaalada ayaa caqabad ku noqday ciidamada iyo gaadiidka ay wataanba.
Shabaabka ayaa 15-kii bishii March ee sanadkan weerar si weyn loo soo abaabulay ku qabsaday Degmada Awdheegle, waana markii koowaad ee ciidamadu ay lumiyaan gacan ku haynta degmadaasi, ka dib markii ay hawlgal ballaaran ku xoreeyeen 6-dii bishii August ee sanadkii 2019.