Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday deegaano dhaca jiinka Webiga Shabelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeeray deegaanada qaar ee ku yaala jiinka Webiga Shabelle ee Goboka Shabellaha Dhexe.

Taliyaha iyo saraakiil uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga Degmada Balcad ayaa la kulmay masuuliyiinta maamulka degmadaasi, iyagoo intaasi ka dibna si wadajir ah u kormeeray deegaanada hoostaga degmadaasi ee dhaca webiga jiinkiisa bari.

"General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyay, sida naf hurnimada leh ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay u dhabar jebinayaan cadowga argagixisada ah, waxa uuna faray saraakiisha inay laba jibaaraan waajibaadkooda ciidan." Ayay warisay Warbaahinta Qaranka.

Deegaanada Degmada Balcad ee jiinka Webiga Shabelle ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaq cusub, kaas oo mar kale la doonayo in ciidamada loogu jiheeyo hawlgal maleeshiyada Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin bariga gobolkaasi, gaar ahaan hareeraha webiga.

Shabaabka ayaa bishii February ee sanadkan culeys weyn soo saaray deegaanadii horey looga saaray ee bariga gobolka, iyadoona ay u suurtagashay in ay dib u qabsadaan degmooyin iyo deegaano laga riixay, intii uu socday wejigii koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka.

Shabaabka ayaa duulaankan oo socday billihii February, March iyo April ku qabsaday Degmooyinka Ceelbaraf, Alkowsar & Aadan Yabaal iyo illaa 20 deegaan oo kale.

Shabaabka ayaa ka soo duulay galbeedka Gobolka Shabellaha Dhexe oo dhowr iyo toban sano ay iyagu maamulayaan, iyagoo markaasi daanta galbeed ee webiga uga soo tallaabaya doomo iyo qaarkood oo ka yimid Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoo ka soo gudbaya waddada marta hawdka galbeed ee Ceelbaraf, taas oo qayb ahaana u furan dhinaca Gobolka Galgaduud.

Dagaal-yahanada Al Shabaab ayaa horaantii sanadkan si la yaab leh isugu soo ballaariyay bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, waana maalmo uun ka dib, markii ay ciidamadu hawlgal sifayn ah ka bilaabeen hareeraha webiga.

Hadda, dhaqdhaqaaqan dib uga soo cusboonaaday bariga gobolka ayaan la aqoon, waxa uu dhammaadkiisu noqon doono.

Dowladda Federaalka ayaa waxaa ahmiyad u leh in ciidamadeedu ay dhul cusub qabtaan, si dadka halkaasi ku dhaqan ay qayb uga noqdaan doorashada tooska ah.