Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray ciidamadii hawlgalka ka waday Ciid Ciidka

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta booqday Ciidankii Xoogga Dalka ee hawlgalka ka waday beeraha Ciid Ciidka ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciid Ciidka oo sidoo kale loo yaqaano (Jimbilow) oo ka tirsan deegaanka Cali Fooldheere ee Degmada Mahadaay ayaa waxay ciidamada muddooyinkii ugu dambeysay kula dagaalamayeen maleeshiyada Al Shabaab, oo sida la sheegay ka soo gudbay daanta galbeed ee Webiga Shabelle.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Taliska Ciidanka ATMIS ayaa 4-tii bishan shaaciyay in la soo afjaray Shabaabkii godadka kaga jiray beeraha Ciid Ciidka, inkastoo dib laga ogaaday in Shabaabka ay weli ku sugan yihiin dhulka hawdka ee deegaanka Cali Fooldheere, kuna dhow jiinka bari ee webiga.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo maalmahaanba ku sugnaa Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Kumaandooska ee Ilaalo Qaran ee ku sugan Ciid Ciidka.

"Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyay sida ay waajibkoodii ciidanimo uga guteen Khawaarijtii ku dhuumaaleysaneysay Ciid Ciidka, isagoona xusay inay tahay wax ay ku mudan yihiin bogaadin iyo amaan gooni ah." Ayaa lagu yiri war ka baxay Idaacadda Codka Ciidamada.

Warka ayaa lagu sheegay in Taliyuhu uu ciidanka iyo saraakiishuba kula dardaarmay in ay laba laabaan dadaaladooda ay maleeshiyada kaga sifeynayaan dhulka jiqda ah, si aanay ugu suurtagalin in ay isku uruursadaan, kana soo qaadaan weerarada gaadmada ah.

Taliska Militariga ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii si dhameystiran Shabaabka looga sifeyn lahaa kaymaha Cali Fooldheere, si aanay caqabad amni ugu noqon deegaanada Hirshabelle.